Netanyahu oo ku baaqay in caalamku u midoobo Iran

Image

March 4, 2015 (GO)- Ra'isal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ku baaqay in caalamku meel uga soo wada jeesto sidii looga hortegi lahaa in dalka Iran yeesho hubka wax gumaada ee nuclear-ka.

Netanyahu oo shalay oo Talaado ahayd khudbad ka jeediyey aqalka congress-ka Maraykanka wuxuu sheegay in aan indhaha laga daboolan karin halista maalinba maalinta ka dambeysa soo kordheysa ee dowladda  Iran ay ku hayso wadamada Bariga Dhexe iyo guud ahaan caalamka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay in Dowladda Maraykanku ka fiirsato heshiiska la filayo inay dhowaan la gasho Iran. Heshiiskaas ayaa qorshuhu yahay in Iran looga khafiifiyo cuna qabateynta dhaqaale ee saaran taas beddelkeedana ay joojiso horumarinta barnaamijkeeda nuclear-ka.

Mar uu ka hadlayey xiriirka ka dhexeeya Israel iyo Maraykanka wuxuu sheegay inuu weligiis ahaa mid wanaagsan hadda kadibna in uu sii wanaagsanaado maahee aanu hoos u dhici doonin.

Xubnaha xisbiga jamhuuriga oo iyagu haysta aqlabiyadda aqalka congress-ka ayaa casumey Ra'isal Wasaaraha Israel, waxaana la xaqiijiyey in aqalka cad arrintan wax lug ah ku lahayn lagalana tashan.

Xiriirka Madaxeynaha Maraykanka Barack Obama iyo Ra'isal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa muddooyinkii u dambeeyey ahaa mid aan wanaagsaneyn. Khilaafkooda ayaa ka bilowdey kaddib markii Israel saluugtey siyaasadda Madaxweyne Obama ee ku wajahan Bariga Dhexe gaar ahaan Iran iyo qorshaha Maraykanku ku doonayo in dalkaas looga khafiifiyo cuna qabateynta hubka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM