Netanyahu oo ku baaqay in caalamku u midoobo Iran

Image

March 4, 2015 (GO)- Ra'isal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ku baaqay in caalamku meel uga soo wada jeesto sidii looga hortegi lahaa in dalka Iran yeesho hubka wax gumaada ee nuclear-ka.

Netanyahu oo shalay oo Talaado ahayd khudbad ka jeediyey aqalka congress-ka Maraykanka wuxuu sheegay in aan indhaha laga daboolan karin halista maalinba maalinta ka dambeysa soo kordheysa ee dowladda  Iran ay ku hayso wadamada Bariga Dhexe iyo guud ahaan caalamka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay in Dowladda Maraykanku ka fiirsato heshiiska la filayo inay dhowaan la gasho Iran. Heshiiskaas ayaa qorshuhu yahay in Iran looga khafiifiyo cuna qabateynta dhaqaale ee saaran taas beddelkeedana ay joojiso horumarinta barnaamijkeeda nuclear-ka.

Mar uu ka hadlayey xiriirka ka dhexeeya Israel iyo Maraykanka wuxuu sheegay inuu weligiis ahaa mid wanaagsan hadda kadibna in uu sii wanaagsanaado maahee aanu hoos u dhici doonin.

Xubnaha xisbiga jamhuuriga oo iyagu haysta aqlabiyadda aqalka congress-ka ayaa casumey Ra'isal Wasaaraha Israel, waxaana la xaqiijiyey in aqalka cad arrintan wax lug ah ku lahayn lagalana tashan.

Xiriirka Madaxeynaha Maraykanka Barack Obama iyo Ra'isal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa muddooyinkii u dambeeyey ahaa mid aan wanaagsaneyn. Khilaafkooda ayaa ka bilowdey kaddib markii Israel saluugtey siyaasadda Madaxweyne Obama ee ku wajahan Bariga Dhexe gaar ahaan Iran iyo qorshaha Maraykanku ku doonayo in dalkaas looga khafiifiyo cuna qabateynta hubka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sadiq Khan: Muxuu Trump igu mashquulay anigoo duq magaalo ah, oo qol uga degay Maskaxdiisa?

Balse Sadiq Khan ayaa isagu jawaabtiisa ku sheegay: “Waxaan si weyn ugu faanayaa horumarka aan ka sameyneyno magaalada London.

  • Caalamka

    24-09-2025

  • 11:52AM

Muftiga Guud ee Sacuudiga, Sheikh Abdulaziz bin Abdullah Al-Sheikh, oo geeriyooday

Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salman – oo hadda gacanta ku haya maamulka maalinlaha ah ee dalka.

  • Caalamka

    24-09-2025

  • 08:12AM