New York: Adaanka Salaada Jimcaha oo kor loo qaadi doono

Image

WASHINGTON, Mareykanka - Duqa magaalada New York Eric Adams ayaa saxiixay wareegto ogolaanaysa in Adaanka laga maqlo cod baahiyeyaal dibadda ah inta lagu salaada Jimcaha iyo Maqribkii bisha Ramadaan.

Adams waxa uu shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in masaajidadu hadda kor ugu qaadi karaan Adaanka wakhtiyada la soo sheegay iyaga oo aan ogolaansho hore soo codan, si uu u oofiyo ballamihiisii ​​doorashada, isaga oo carabka ku adkeeyay xaqa ay muslimiintu u leeyihiin xoriyada cibaadada.

Wareegtada waxaa ka mid ah oggolaanshaha in xarumaha ay dowladda hoose ee New Work leedahay loo qoondeeyo karo goobo saalaada lagu tukado.

Adams ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay shalay:

“Waxaa jiray jahawareer ku saabsan bulshooyinka loo oggolaaday inay isticmaalaan cod-baahiyeyaasha dibadda ah, maanta waxaan si cad u sheegaynaa in aan loo baahneyn fasax in la qaato si Adaanka Salaada jimcaha kor loogu qaado."

Adams waxa uu tilmaamay in Islaamku – sida diimaha kale – uu yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqanka New York, iyada oo ay masaajidda si weyn uga caawiyaan la dagaallanka dambiyada iyo soogalootiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan: Netanyahu Waa Caqabadda Ugu Weyn ee Nabadda Gobolka Bariga Dhexe

Ka hor hadalkii Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay gobolka ku wado.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 01:56PM

Ugu yaraan 430 Rayid ah oo lagu dilay Duqeymaha Israel ee dalka Iran

Dhanka Israa’iil, mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 24 qof oo rayid ah lagu dilay weerarro gantaalo ah oo Iran ku qaaday gudaha Israa’iil.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 12:14PM