Niger oo safiirka Faransiiska u qabatay muddo 48 saacadood ah inuu dalka kaga baxo

Image
SAWIR HORE

NIAMEY, Niger - Golaha militariga ee Niger ayaa u qabtay safiirka Faransiiska 48 saacadood si oo uga baxo Magaalada caasimadda ah ee Niamey, taasoo kor u qaadaysa xiisadda u dhaxeysa madaxdii afgambiga iyo Faransiiska..

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Niger ayaa ku xaqiijisay bayaan ay soo saartay in sababta ka dambeyso cayrintaan ay tahay diidmada safiirka Faransiiska inuu ka jawaabo martiqaad ay u fidiyeen si ay ula kulmaan.

Mas'uuliyiinta ayaa go'aansaday inay ka laabtaan ansixinta aqoonsiga Danjire Sylvain, iyaga oo ka codsaday inuu uga baxo Niger 48 saacadood gudahood.

Maalmo ka dib afgambigii ka dhanka ahaa madaxweynihii la doortay ee Maxamed Bazoum, madaxda afgambiga waxay uga digeen Faransiiska faragelinta arrimaha gudaha ee Niger.

Faransiisku wuxuu ku hanjabay inuu si degdeg ah uga jawaabi doono weerar kasta oo lagu bartilmaameedsanayo muwaadiniintiisa iyo danaha Niger, ka dib markii kumannaan qof ay bannaanbax ka dhigeen afaafka hore ee safaaradda Faransiiska ee Niamey oo ay ku taageerayaan milateriga afgambiga sameeyay.

Madaxtooyada Faransiiska ayaa warqad ay soo saartay ku sheegtay: “qof kasta oo weerara muwaadiniinta, ciidamada, dublamaasiyiinta iyo xarumaha Faransiiska uu arki doono jawaab degdeg ah.”

Waxayna intaas raacisay: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda uma dulqaadan doono weerar kasta oo lagu qaado Faransiiska iyo danihiisa.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM