Nigeria: 120 lagu diley weerar lagu qaaday masjid

Image

November 29, 2014 (GO)- Ugu yaraan 120 qof ayaa ku geeriyoodey in ka badan 270 kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo iyo rasaas dabley hubesni ku furtay shalay oo Jimce ahayd masjid ku yaalla magaalada Kano ee waqooyiga dalka Nigeria.

Labo qof oo isa soo miidaamiyey ayaa isku qarxiyey bannaanka hore ee masjidka iyadoo intaas kadibna ay rasaas fureen rag lagu qiyaasay 15 oo ku hubeysnaa qoryaha fudud ee darandooriga u dhaca, kuwaasoo tacshiirad huwiyey boqollaal qof oo kasoo cararay gudaha masjidka si ay nafahooda ula baxsadaan.

Masjidka la weeraray wuxuu deris la yahay qasriga amiirka labaad ee magaalada Kano Amiir Muxamad Al-sanuusi inkastoo xilligii weerarku dhacayey uu maqnaa.

Sanuusi oo todobaadkii hore la hadlay kumanaan kamid ah bulshada Muslimka u badan ee ku nool Kano, wuxuu ugu baaqay inay hubka qaadaan lana dagaalamaan kooxda argagixisada ah ee Boko Haram.

Booliska ayaa xaqiijiyey in dad caraysan oo kamid ah kuwii masjidka ku tukanayey ku guuleysteen inay nolosha ku qabtaan kadibna dilaan afar kamid ah dableydii weerarka soo qaaday.

Qaraxan ayaa imaanaya todobaad kadib markii sidan oo kale nin dhallinayaro ah oo isa soo miidaamiyey isku qarxiyey masjid ku yaalla magaalada Maiduguri.

Weerar kale oo todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay isla magaalada Maiduguri, kaasoo ay fuliyeen labo haween ah oo walxaha qarxa isku soo xiray waxaa ku geeriyoodey 45 qof.

Kooxda Boko Haram oo ah urur xagjir ah waxaa la asaasay sanadkii 2002. Magaca Boko Haram wxuuu marka luqada Hausa loo bedelo noqonayaa "tacliinta reer galbeedku waa xaaraan". 

Laga soo bilaabo sanadkii 2009 markaasoo Boko Haram bilowday weeraro jaantaa rogan ah oon bartilmaameed sugan lahayn, waxay dishey in ka badan shan kun oo qof kumanaan kalena dhaawac ayaa kasoo gaarey weerarrada kooxda oo qaraxyo u badan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Erdogan oo si kulul uga hadlay weerarada ka dhacay Lubnaan

Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhintay falkan halka ay ku dhaawacmeen tiro ka badan labo kun ruux.

  • Caalamka

    18-09-2024

  • 10:36AM

Weerar Xooggan: Qalab Isgaarsiinta ay Hezbollah Isticmaashay oo Qarxay, Khasaare Badan oo Ka Dhashay

Sida la soo wariyey, weerarkan ayaa ka dhashay kadib markii sirdoonka Israa’iil ay farriin u direen…

  • Caalamka

    17-09-2024

  • 04:18PM