Nigeria: ardey badan oo qarax lagu diley

Image

November 10, 2014 (GO)- Ugu yaraan 47 qof oo arday u badnaa ayaa ku geeriyoodey ku dhowaad 90 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Potiskum oo ku taalla gobolka Yobe ee dalka Nigeria.

Qaraxa oo noociisu ismiidaamin ahaa waxaa geystey nin dhallinyaro ah oo kusoo lebistey uniform-ka iskuulka islamarkaana dhabarka boorso ku sitey kaasoo is qarxiyey xilli ardaydu ku jireen daabuurka.

"Waxan sugeynay maamuluhu inuu noo khudbeeyo xiligaasoo ahaa abaare 7:30 subaxnimo kadib waxan maqlnay qarax dhegaha na xanuujiyey...dadku waxay bilaabeen qaylo iyo in qofba meesha ka horeysa u cararo, korkeyga markaan fiiriyey wada dhiig ayuu ahaa" sidaas waxaa wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegay Musa Ibrahim Yahaya oo ah arday 17 jir ah.

Mas'uuliyadda qaraxaas weli cidi ma sheegan, haseyeeshee qaraxyo caynkan ah oo horay dalka Nigeria uga dhacay waxaa mas'uuliyadooda sheegtay ururka argagixisada ah ee Boko Haram.

Khasaaraha dhimasho waxaa laga cabsi qabaa inuu intaas ka bato, maadaama dadka dhaawaca ah ay ku jiraan qaar badan oo xaaladoodu halis tahay.

Sandkan horaantiisii labo weerar oo ururka Boko Haram kusoo qaaday labo iskuul oo kuwa dowladda ah oo ku yaalla isla gobolka Yobe waxaa lagu diley in ka badan sideetan arday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM