Nigeria: Boko Haram oo la wareegtey magaalada Chibok

Image

November 15, 2014 (GO)- Kooxda Boko Haram ayaa la wareegtey magaalada Chibok ee ku taalla gobolka Borno ee dalka Nigeria. Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Nigeria ayaa xaqiijiyey in magaaladaasi gashay gacanta Boko Haram.

Faahfaahin dheeri ah lagama hayo xaaladda magaalada Chibok maadaama la burburiyey inta badan taawaradii isgaarsiinta.

Bishii April ee lasoo dhaafay, kooxda ayaa dugsi ku yaalla magaalada Chibok  ka afduubtay 219 gabdhood oo ciyaal iskuul ahaa.

Boko Haram oo ah urur xagjir ah waxaa la asaasay sanadkii 2002. Magaca Boko Haram wxuuu marka luqada Hausa loo bedelo noqonayaa "tacliinta reer galbeedku waa xaaraan". 

Laga soo bilaabo sanadkii 2009 markaasoo Boko Haram bilowday weeraro jaantaa rogan ah oon bartilmaameed sugan lahayn, waxay dishey in ka badan shan kun qof kumanaan kalena dhaawac ayaa kasoo gaarey weerarada kooxda oo isugu jira qaraxyo iyo kuwo toos ah. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM