Nigeria: hoggamiyaha Boko Haram oo beeniyey in la diley

Image

August 17, 2015 (GO)- Hoggaamiyaha Ururka Boko Haram, Abubakar Shekhau oo farriin cusub soo duubay ayaa beeniyey wararka sheegaya in uu geeriyoodey, isagoo xusay in xilliga tiisu gasho uu dhiman doono.

Farriin siddeed daqiiqo ah oo lagu baahiyey shabakadda internetka ayuu Hoggaamiyaha Boko Haram uga hadlay arrimo badan.

Waxyaabaha uu soo hadal qaaday waxaa kamid ahaa hawlgalka ka dhanka ah kooxdaas ee Madaxweynaha Nigeria iclaamiyey, isagoo si jees jees ku jiro u yiri "riyo ayuu ku jiraa Mohamadu Buhari"

Hadalka Shekhau ayaa kusoo aadaya xilli bilihii u dambeeyey sheki weyn laga qabay geeridiisa, kadib markii la waayey warkiisa.

Dowladda Nigeria oo kaashaneysa qaar kamid ah wadamada deriska ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii loo wii qi lahaa awoodda Ururka Boko Haram.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM