Nigeria: kooxda Boko Haram oo qabsatey xero ciidan oo muhiim ah

Image

January 5, 2015 (GO)- Kooxda xagjirka ah ee Boko Haram ayaa gelinkii dambe ee shalay la wareegtey xero ciidan oo ku taalla duleedka magaalada Baga ee dhacda waqooyiga dalka Nigeria.

Saldhigga kooxdaasi la wareegtey wuxuu fariisin u ahaa ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda dalalka Niger, Nigeria, Chad iyo Cameroon.

Wakaalada wararka AFP oo soo xiganeysa dadka deegaanka ayaa sheegtay in tobanaan dagaalyahan oo ka tirsan Boko Haram oo watey gaadiidka dagaalku xerada soo weerareen.

Dagaal muddo saacado ah socdey ayaa ka dhacay goobta, iyadoo markii dambe ciidankii xeradaas ku sugnaa u baxsadeen dhanka xuduudka dalka Chad.

Sanadkii 2013 dagaal ciidamada huwanta iyo kooxda Boko Haram ku dhex maray isla magaalada Baga waxaa ku geeriyoodey tobanaan qof oo qaar badan oo rayid ahi ku jireen.

Boko Haram oo ah urur xagjir ah waxaa la asaasay sanadkii 2002. Magaca Boko Haram wxuuu marka luqada Hausa loo bedelo noqonayaa "tacliinta reer galbeedku waa xaaraan".  

Laga soo bilaabo sanadkii 2009 markaasoo Boko Haram bilowday weeraro jaantaa rogan ah oon bartilmaameed sugan lahayn, waxay dishey in ka badan shan kun qof kumanaan kalena dhaawac ayaa kasoo gaarey weerarada kooxda oo isugu jira qaraxyo iyo kuwo toos ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM