Nigeria oo hakisay isticmaalka gadiidka iyo xoolaha

Image

24 September, 2015(GO)-War ka soo baxay saraakiil ka tirsan amniga dalka Nigeria ayaa lagu sheegay inaysan dadweynuhu isticmaali karinta baabuurta iyo xayawaanka lagu safro.

Sababta ayaa Nigeria ku sheegtay inay ka cabsi qabaan weeraro Boko Xaram ka gaysato dalkaasi maalinta Khamiista oo ku beegan ciidul Adxa.

"Dhaq dhaqaaqa oo idil sida isticmaalka baabuurta, bushkuleetiyada, xayawaanka sida Fardaha, Dameeraha iyo Awrta waa la xadiday in lagu isticmaalo Maiduguri laga bilaabo 5pm maalinta Arbacada" sidaasi waxaa yiri afhayeen u hadlay ciidamada dalkaasi oo lagu magacaabo Tukur Gusau.

Sidoo kale waxaan la ogolaan doonin gawaarida ka baxda caasumadda Maiduguri iyo kuwa soo gala sida laga soo xigtay afhayeenka.

"Sidaasi si la mid ah, dhammaan baabuurta baxaysa iyo kuwa soo galaysa waxa la xadiday waqti kooban oo ku siman inta amar laga helayo"ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenku.

Arrintan ayaa timi ka dib weerar ay ku dhinteen 100 qof oo ka dhacay magalooyinka Maiduguri iyo Borno Axadii la soo dhaafay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM