Nigeria: weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay suuq mashquul badan

Image

January 11, 2015 (GO)- Weerar is miidaamin ah oo ka dhacay suuq aad u mashquul badan oo ku yaalla magaalada Maiduguri ee dalka Nigeria ayaa waxaa ku geeriyoodey 19 qof. Weerarka waxaa fulisey gabar yar oo 10 sano jir ahayd taasoo jirkeeda walxaha qarxa lagu soo xiray.

Mas'uuliyadda weerarkaas weli cidi ma sheegan, haseyeeshee kooxda xagjirka ah ee Boko Haram ayaa horay dalka Nigeria uga geysatey weerarro caynkan oo kale ahaa oo boqollaal qof oo rayid u badni ku dhinteen.

Boko Haram waxay todobaadkii hore la wareegtey xero ciidan oo ku taalla duleedka magaalada Baga ee dhacda waqooyiga Nigeria.

Laga soo bilaabo sanadkii 2009 markaasoo Boko Haram bilowday weeraro jaantaa rogan ah oon bartilmaameed sugan lahayn, waxay dishey in ka badan shan kun oo qof kumanaan kalena dhaawac ayaa kasoo gaarey weerarrada kooxda oo qaraxyo u badan. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM