Nin dab isku qabad-siiyay dibada Aqalka Cad oo la xiray

Image

WASHINGTON, US – Nin aanan wali la shaacin magaciisa kaasi oo galabnimadii Jimcada dab isku qabad-siiyay banaanka Aqalka Cad ayaa la xiray, sida laga soo xigtay warbaahinta.

Booliska gaar ahaan ilaada guriga looga arimiyo Mareykanka oo durba ka jawaabay dhacdadaan ayaa damiyay dabka isku qabad-siiyay ninkaan oo la sheegay in uu xanuun-san yahay.

Ninkaan oo u muuqday mid naafo ah kuna socday gaadiidka dadka aan lixaadkoodu u dhameen ayaa loola cararay goobaha caafimaadka si loo badbaadiyo noloshiisa.

Xoghaynta Aqalka Cad ayaa ku adkeysatay in falkaan uusan ahayn mid loogu hanjabayo Madaxwayne Donald Trump.

"Dhaawacyada soo gaaray ninka ma ahan kuwa halis ku ah noloshiisa, isbitaal ayaan la dhigay," ayay tiri hay’adda.

Dhacadadaan hadal-hayn dhalisay ayaa timid iyada oo ilaalada Aqalka Cad ay nasiino ku jireen, isla markaana gudaha uu ka socday shir saxaafadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM