Nin dab isku qabad-siiyay dibada Aqalka Cad oo la xiray

Image

WASHINGTON, US – Nin aanan wali la shaacin magaciisa kaasi oo galabnimadii Jimcada dab isku qabad-siiyay banaanka Aqalka Cad ayaa la xiray, sida laga soo xigtay warbaahinta.

Booliska gaar ahaan ilaada guriga looga arimiyo Mareykanka oo durba ka jawaabay dhacdadaan ayaa damiyay dabka isku qabad-siiyay ninkaan oo la sheegay in uu xanuun-san yahay.

Ninkaan oo u muuqday mid naafo ah kuna socday gaadiidka dadka aan lixaadkoodu u dhameen ayaa loola cararay goobaha caafimaadka si loo badbaadiyo noloshiisa.

Xoghaynta Aqalka Cad ayaa ku adkeysatay in falkaan uusan ahayn mid loogu hanjabayo Madaxwayne Donald Trump.

"Dhaawacyada soo gaaray ninka ma ahan kuwa halis ku ah noloshiisa, isbitaal ayaan la dhigay," ayay tiri hay’adda.

Dhacadadaan hadal-hayn dhalisay ayaa timid iyada oo ilaalada Aqalka Cad ay nasiino ku jireen, isla markaana gudaha uu ka socday shir saxaafadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo dalalka ka dalbaday $1 bilyan si ay ugu biiraan guddigiisa nabadda Gaza

Israel ayaa si adag uga horyimid guddigan, iyadoo sheegtay in magacaabista aan lala xiriirin mas’uuliyiinta Israel.

  • Caalamka

    18-01-2026

  • 12:57PM

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM