Nin dabley ah oo 5 qof ku dilay Mareykanka

Image

Booliska ayaa ninkaasi gacanta ku dhigay, haatanna waxa ay isku dayayaan inay go'aan ka gaaraan waxa ninkaasi ku dhaliyay inuu dadka laayo.

Ninkan hubeysan ayaa xabadd ku furay goob laga daabulo alaabaha shirkadaha Air Canada iyo Delta Airlines.

Dad goob joagayaal ah ayaa sheegay in ninkani uu amusnaa, marka uu rasaasta furayay iyadoo dadku ay isku dayayeeen in ay halkaasi ka baxsadaan. 

Ciidammada ammaanka ayaa waxaa ay rumeysan yihiin in ninka weeraraka fuliyay uu ahaa keligii, waxaana markii dambe la soo daad gureeyay rakaabkii ku xayirnaa gudaha garoonka diyaaradaha.

Ilaa iyo hadda ma kala cadda sababta ninkani uu weerarka u fuliyay iyo in uu xiriir la leeyahay urur argagixiso. 

Waxaa kale oo jiray warar ka soo baxay mid ka mid xildhibaanada Aqalka Senate-ka oo magaca ninka weerarka fuliyay ku sheegay Estaban Santiago, da'diisuna tahay 26 sano, waxaana uu intaa ku daray in ninkaasi uu watay kaarka aqoonsiga ee milateriga Mareykanka. 

Gudoomiyaha ammaanka ee halkaasina waxa uu isna dhankiisa sheegay in ninkani uu ahaa rakaab gudaha la galay qorigii uu watay, isagoo qoriga kusoo cabeystay musqusha.

BBC

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM