Nin dhintay bilooyin kahor aqal galkiisa iyo dareenka saaxiibtiisa

Image

LONDON, UK - Booliska Ingiriiska ayaa baaraya sababta keentay dhimashada Mark Lawrence oo isaga oo meyd ah laga soo helay qolka gurigiisa.

Lawrence oo 59-sano jir ah ayaa dhimashadiisa waxay imaaneysa bilooyin kahor inta uusan guursan saaxiibtiisa Nikki Fletcher.

Inkasta oo ay iska dhaleen caruur, haddana waxay qorsheynayeen in ay aqal galaan bilooyinka soo aadan si nolosha isii wataan.

Fletcher ayaa sheegtay in aad uga naxday dhimashada saaxiibkeed, maadaama ay u socdeen in ay ka dhabeeyaan riyo ay marar ku taahayeen.

"Waxay igaaga dhigan tahay in aan waayey wadnaheyga," ayay tiri, sidda ay kasoo xigteen warbaahita maxaliga ah.

Nikki Fletcher sanadkii hore waxay dhashay mataano oo loo kala baxshay Oliver iyo George, kuwaasi oo sanadkii ugu horeeyay dunida jooga.

Dhacdadaan ayaa laga soo wariyay magaalada Waterlooville oo hoostagta maamulka Hants ee Boqortooyada UK.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM