Nin isagoo Xabsi ku jira ku guuleystay tartan Qur'aan akhris

Image

ABU DHABI - Maxbuus ku xiran xabsi ku yaalla dalka Imaaraadka ayaa ku guuleystay tartan Qur'aan akhris, iyadoo ka qeybgalayaasha qaar ay ahaayeen maxaabiis dhawaan Diinta Islaamka soo galay [Muslimay].

Taliska booliska Abu Dhabi ayaa baraha bulshada soo dhigay Sawirka maxbuus oo la gudoonsiinaya shahaado uu ku muteystay tartanka, oo ay soo qaban-qaabisay agaasinka ciqaabta iyo hab-dhaqanka Booliska UAE.

Tartanka ayaa ahaa mid heer qaran ah, oo noqonaya kiisa 19-aad oo la qabtay. Dadka kaalimaha hore ku guuleystay ayaa la siiyay lacago iyo shahaado sharaf.

Mid kamid ah Maxaabiista ku guuleystay tartanka Qur'aan akhriska ayaa la sheegay inuu dhawaan soo galay Diinta Muslim-ka, isagoo galay kaalinta 8aad.

Booliska wali ma aysan shaacin magaca guuleystaha.

Dowladda Imaaraadka ayaa tartanno dheera-gelin ah u sameysa maxaabiista ku jira xabsiyadeeda, oo la baro farsamooyin, xirfado shaqo iyo cilmiga kale, oo uu kamid yahay Qur'aanka kariimka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsi dagaal oo ka taagan Buurhakaba kadib khilaaf ka dhex qarxay maamulka Koonfur Galbeed

Wararka laga helayo gudaha degmada ayaa sheegaya in xiisadda sii kordheysa ay dhalin karto iska horimaadyo hubeysan.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 02:13PM

Saameynta Safarka Trump ee Shiinaha: Maxaa laga filan karaa?

Maalgashadayaasha caalamiga ah, ayaa ka walwalsan in haddii lagu heshiis waayo canshuuraha cusub.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 11:10AM