Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Image

New York — Nin u dhashay dalka Kenya ayaa lagu xukumay inuu inta ka dhiman noloshiisa ku qaato xabsi, kaddib markii lagu helay inuu qorsheynayay weerar argagixiso oo ay dacwad-oogayaashu ku tilmaameen mid “u eg 9/11”, kaas oo lagu bartilmaameedsan lahaa dhismaha ugu dheer magaalada Atlanta, iyadoo uu ka wakiil ahaa kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya.

Garsoore federaal ah ayaa Isniintii xukun ku riday Cholo Abdi Abdullah oo 34 jir ah, isagoo ku xukumay laba xabsi daa’in oo isku xiga, iyo kormeer nolosha oo dhan ah, kaddib markii lagu helay qorshe afduub diyaarad ganacsi iyo inuu ku dhufto dhismaha 55-dabaq ah ee Bank of America Plaza, taas oo ka mid ahayd ololaha weerarro ballaaran oo ay Al-Shabaab damacsaneyd.

Sannadkii 2024, xeerbeegti ku sugan Manhattan ayaa Abdullah ku heshay lix dacwadood, oo ay ka mid yihiin: shirqool bixinta taageero maaddi ah oo loo fidiyo urur argagixiso shisheeye, bixinta taageero maaddi ah, shirqool dil muwaadiniin Maraykan ah oo dibadda ku sugan, shirqool afduub diyaarad, shirqool burburin diyaarad, iyo falal argagixiso oo ka gudba xuduudaha dalalka.

Weerar laga soo abaabulay dibadda oo la fashiliyey

Dacwad-oogayaasha federaalka ayaa sheegay in Abdullah uu ku biiray Al-Shabaab sannadkii 2015, halkaas oo uu ku qaatay tababarro ballaaran oo la xiriira walxaha qarxa, qarsoodiga iyo sida looga dhuunto dabagalka.

Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Abdullah uu oggolaaday inuu ka mid noqdo qorshe caalami ah oo Al-Shabaab ay ku doonaysay inay ku fuliso weerar khasaare ballaaran leh, taas oo ku qotontay inuu noqdo duuliye diyaarad si uu u afduubo diyaarad ganacsi uguna burburiyo dhisme ku yaalla Maraykanka.

Sannadkii 2017, Abdullah ayaa u guuray dalka Filibiin, halkaas oo uu ka bilaabay tababar duuliyenimo. Intii uu tababarka ku jiray, baarayaashu waxay sheegeen inuu sameeyay baaritaanno badan oo internetka ah oo ku saabsan ilaalada cirka (air marshals) iyo albaabbada qolka duuliyaha ee diyaaradda Boeing 737.

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta,” isaga oo si gaar ah diiradda u saaray Bank of America Plaza, sida ay sheegeen dacwad-oogayaashu.

Waxaa la sheegay in Abdullah uu ku dhowaaday dhammeystirka tababarkiisa duuliyenimo oo laba sano qaatay, iyadoo hal shuruud oo keliya ay ka dhimneyd ruqsaddiisa duuliye ganacsi, ka hor inta aan la xirin bilo kaddib eedeymo maxalli ah.

Sannadkii ku xigay, ayaa loo wareejiyay hay’adaha fulinta sharciga ee Maraykanka.

Xeer-ilaaliyaha Maraykanka, Jay Clayton, ayaa sheegay in Abdullah uu ahaa “xubin si heer sare ah u tababaran oo ka tirsan Al-Shabaab,” isla markaana uu u heellan yahay inuu ku celiyo weerarradii argagixiso ee 11-kii Sebtembar 2001.

“Isagoo ku jira dugsi duuliyenimo oo ku yaalla Filibiin, ayuu si qoto dheer u qorsheynayay sida loo afduubo diyaarad ganacsi looguna burburiyo dhisme ku yaalla Maraykanka,” ayuu yiri Clayton, isagoo intaas ku daray in Abdullah uu FBI-da u sheegay inuu diyaar u ahaa inuu naftiisa ku waayo weerarka.

Intii uu socday maxkamadeynta, Abdullah ayaa isagu is-difaacay, mana bixin hadal furitaan ah, sidoo kalena si firfircoon ugama qayb qaadan su’aalaha loo jeedinayay markhaatiyaasha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sannadkii 2008 u aqoonsatay Al-Shabaab urur argagixiso shisheeye. Kooxdan, oo magaceedu Carabi ahaan yahay “Dhallinyarada,” ayaa xiriir la leh Al-Qaacida, waxayna muddo dheer dagaal kula jirtaa dowladda Soomaaliya, iyada oo doonaysa inay dalka ka hirgeliso maamul ku saleysan shareecada Islaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM