Ninkii diley wariyaasha oo dhintey

Image

27 August, 2015 (GO)-Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in la aqoonsaday shakhsigii ka dambeeayay dilka laba wariye oo shalay lagu diley Virginia xilli ay ku jireen tabin toos ah.

Ninkaasi oo lagu magacabi jirey Lester Flanagan ayaa gacantiisa isku diley.

Booliska deegaanka Franklin County ayaa xaqiijiyay geerida Flanagan, waxayna sheegeen inuu is diley ka dib markii uu xawaare ku soo galay jid gooyo ay dhigteen Booliska deegaankaasi.

Flanagan ayaa fariin qoraal ah oo u direy ABC news, waxa uu ku sheegey in lagula kacay Cunsuriyad isla markaana lagu tilmaamey inuu ka midyahay nimanka u galmooda ragga, taasi oo sabab u noqotey in shaqada laga cayriyo.

War ka soo baxay Aqalka  cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegey in arintaasi ka maqraati kacayso dhibaatada ay horseeday adeegsiga hubka sharci darada ah ee lagu dhex wato suuqyada mareykanka, waxaan loogu baaqay Congress-ka inuu soo saaro go'aamo hubka lagu mamnuucayo.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM