​Obama oo ka hadlay arrimo ku saabsan Trump

Image

Madaxweyne Barack Obama ayaa sheegay inuu ka hadli doono haddii Donald Trump uu sameeyay waxyaaba liddi ku ah qiyamka bulshada Maraykanka marka uu xilka ku wareejiyo.

Mar uu hadal jeediyay kadib shirkii dhaqaalaha ee Asia-Pacific ee ka dhacayay dalka Peru, Mr Obama wuxuu sheegay in Trump uu siin doono fursad ah in uu kala shaqeeyo horumarinta siyaasadiisa.

Obama ayaa intaasi ku daray in ay qasab ku noqon doonto inuu hadlo hadii uu Madaxweynaha cusubi uu qaado tallabo khalkhal gelin karta xorriyadda asaasiga ah ee ka jirta Mareykanka.

Obama ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in culeyska iyo masuuliyadda uu leeyahay Xafiisku ay ku qasbi doonaan madaxweynaha cusub in uu wax ka bedalo siyaasadiisa.

Trump ayaa xiligii ololihiisa sheegay in uu meesha ka saari doono heshiisyo badan oo u kamid yahay Heshiiska ganacsi ee ka dhexeeya dalalka ku yaalla badweynta Pacfic-ka, Balse Obama ayaa balan qaaday in uu ka hortagi doono arintaasi.

BBC

Related Articles

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM