​Obama oo si buuxda u taageeray Hillary Clinton

Image

Madaxweynaha dalka Maraykanka ee xilku kasii dhammaanayo Brack Obama ayaa ka qayb galay shirweynaha xisbiga Dimuqraadiga dalkaasi uga socda Philadelphia, wuxuuna si buuxda u taageeray murashax xisbigaasi Hillary Clinton.

Obama ayaa yiri,"Hillary Clinton waa qof degan oo dadka dhegaysata, qof kastana si ixtiraam leh ula dhaqanta si kasta oo duruufuhu u adag yihiin...waa qof aan hawl u taal ka harsan"

Wuxuu sheegay in xoghayihii hore Maraykanka Clinton ay tahay qofta kaliya ee suuragalin karta adeegyada uu doonayo muwaadin kasta oo reer Maraykan ah.

Habeenkii Tallaada ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii xisbigaasi si rasmi ah u doortay in Hillary Clinton noqoto qofta matalaysa doorashada sannadkan dalkaasi ka dhacaysa iyadoo loollan adag la gali doonta ninka kasocda xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo dalalka ka dalbaday $1 bilyan si ay ugu biiraan guddigiisa nabadda Gaza

Israel ayaa si adag uga horyimid guddigan, iyadoo sheegtay in magacaabista aan lala xiriirin mas’uuliyiinta Israel.

  • Caalamka

    18-01-2026

  • 12:57PM

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM