ONLF oo shaki gelisey Siideynta Qalbi-Dhagax [Dhageyso]

Image

NAIROBI, Kenya - Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jirta dowladda Ethiopia ayaa ka hadashay siideynta Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, oo shalay la sheegay in laga soo daayay xabsi ku yaalla Addis Ababa oo ku dhawaad hal sano uu ku xirnaa.

Afhayeenka ONLF, Cabdiqaadir Hirmooge (Cadaani), ayaa shaki geliyay siideynta Qalbi-Dhagax, oo uu ku tilmaamay mid aan caddeyn, oo ku kooban sawirro laga soo qaadey, balse aan loo fasaxin inuu carrurtiisa iyo ehelkiisa u tago, oo ka baxo Ethiopia.

"Warar aan wali dhameystirnayn baa nasoo gaarey oo arrimahaa u eg, waxay ahayd Cabdikariim Sheekh Muuse, hogaamiye, halgame oo siyaasi ah oo dowladda Ethiopia u xiran, in luuq-luuqyo iyo odayaal uu magan u ahaado, oo kolba meel lagu qariyo," ayuu yiri Afhayeenka ONLF.

Wuxuu xusay in lagu xad-gudbay xeerarka maxaabiista Siyaasadeed, islamarkaana Qalbi-Dhagax laga dhigay qof aan xabsina ku jirin, xorriyadna helin, oo marba qof isku soo sawiro, lana sheego wararka been ah oo ku saabsan in lasoo daayay.

Hirmooge ayaa ka digay in Qalbi-Dhagax lagu celiyo Muqdisho, oo ah halka markii hore lagu shirqooley, oo dowladda Federaalka ugu gacan-gelisay Ethiopia September 2017.

Hirmooge ayaa sheegay inay muhiim tahay in Qalbi-Dhagax si dhameystiran loo siiyo xorriyadiisa, islamarkaana la geeyo Goob ay ku sugan yihiin Caruurtiisa iyo qaraabadiisa taas oo ah meel ammaan ah, oo ka baxan Addis Ababa iyo Muqdisho.

Dhanka kale, Afhayeenka ayaa daboolka ka qaadey in Jabhadda ONLF ay si weyn uga soo horjeedo Shidaalka dowladda Ethiopia kasoo saarayso Dhulka is-maamulka Soomaalida dalkaasi.

Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed ayaa sheegay in sanadkan 2019 laga soo saari doono deegaanada Is-maamulka Soomaalida 450 footo oo shidaal cayriin ah maalintii, taasi oo dowladda ka heli doonto dhaqaale badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM