Pakistan oo dadka dhimirka la' ka joojisay xukunka dilka

Image

ISLAMABAD, Pakistan - Go’aan taariikhi ah, Maxkamadda Sare ee Pakistan waxay xukuntay in aan dil toogasho lagu xukumi karin maxaabiista la nool cudur maskaxeed aad u daran, gaar ahaan kuwa aan fahmin nooca ciqaabta.

Xukunka waxaa soo saaray maxkamada sare Arbacadii kadib markii xeer-beegtadan ka kooban shan garsoore ay bedeshay xukun ay ku riday sadex maxbuus oo la nool xanuuno maskaxeed kuwaas oo rafcaan ka qaatay go'aanka.

"[Waxaan] hakin doonaa haddii maxbuus la xukumay, cudurka dhimirka awgood, lagu helo inuu fahmi kari waayo caqliga iyo sababta ka dambeysa ciqaabtiisa/keeda, markaa fulinta xukunka dilka ah lama fulin doono," ayaa lagu yiri go'aanka, kaas oo si wax ku ool ah u mamnuucaya isticmaalka ciqaabta dilka kuwa la nool jirro maskaxeed oo daran.

Baakistaan ​​waxay ka mid tahay dadka sida aadka ah u adeegsada ciqaabta dilka toogashadda adduunka oo dhan waxayna hoy u tahay safka ugu weyn dunida fuliya xukunadda nocoaas ah.

Sannadkii 2019, waxaa dalka ka jiray in ka badan 4,225 qof oo xukun dil ah lagufuliyey, sida lagu sheegay warbixin sannadeedka kooxda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ee ku saabsan adeegsiga xukunka dilka ah.

Xeerka ciqaabta ee Pakistan ayaa wuxuu ciqaab dil ku ridayaa in ka badan 33 dambi kuwaas oo ay kamid yihiin dilka bareerka ah, kufsi wadareed iyo afduub ilaa aflagaado diin iyo sino.

Sannadkii 2019-kii, maxkamadaha dalku waxay rideen in ka badan 632 xukunno dil ah, taas oo u dhiganta boqolkiiba 27.3 dhammaan xukunnada dilka ee adduunka oo dhan ka dhaca sannadkaas, sidda lagu sheegay xogta Amnesty.

Xukunka soo baxay Arbacadii todobaadkan ayaa waxaa soo dhoweeyay kooxaha u dooda xuquuqda iyagoo ku sifeeyay mid ilaalinaya xuquuqda kuwa loo arko inay u nugul yihiin ku xadgudubka nidaamka cadaaladda waddankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM