Pakistan oo Sheegtay Inay Nukliyeerkeeda Ku Difaacayso Sacuudiga
Islamabad, Pakistan – Wasiirka Difaaca ee Pakistan, Khawaja Asif, ayaa sheegay in awoodda nukliyeer ee dalkiisa ay noqon karto mid lagu difaaco Sacuudi Carabiya, kaddib heshiis difaac oo cusub oo labada dal kala saxiixdeen — taasoo ah markii ugu horreysay ee si cad loo xaqiijiyo in Islamabad ay diyaar u tahay inay Riyadh geliso hooska difaaca nukliyeerka Pakistan.
“Waxaan doonayaa inaan si cad u sheego: awoodda nukliyeer ee Pakistan waa mid hore loo xaqiijiyey tan iyo markii tijaabooyinkii la sameeyay. Ilaa xilligaas, waxaan haysannaa ciidamo si gaar ah u tababaran. Wixii aan haysanno — kartideenna — waxay si buuxda ugu jiri doonaan heshiiskan,” ayuu Asif ku yiri wareysi uu Khamiistii fiidkii siiyay Geo TV.
Heshiiska, oo la saxiixay Arbacadii, wuxuu dhigaya in weerar lagu qaado mid ka mid ah labada dal lagu tixgelinayo weerar lagu qaaday labadaba. Wasiir Asif wuxuu ku tilmaamay heshiiska inuu yahay "qaab-hoosaad difaac wadaag ah oo labada dhinacba isu ballanqaadeen: haddii midkood lagu soo xadgudbo — ciddii rabto ha ahaatee — waxaa si wadajir ah looga jawaabi doonaa."
Wasiirka Difaaca wuxuu Pakistan ku sifeeyay inay tahay “quwad nukliyeer ah oo mas’uul ah,” isagoo xusay in xarumaha nukliyeerka dalkiisu ay furan yihiin oo ay maraan hubin iyo shahaadooyin caalami ah.
“Dhamaan xarumaheenna nukliyeerka waa furan yihiin oo la hubiyaa. Waxaan helnaa shahaadooyin joogto ah. Waxaan nahay dal mas’uul ka ah awooddeenna nukliyeer, mana jebinno shuruucda caalamiga ah,” ayuu yiri Asif.
Asif ayaa sidoo kale tusaale u soo qaatay Israa’iil, isagoo sheegay in, “Isra’iil, in kastoo ay tahay quwad nukliyeer ah, weligeed ma aysan furin xarumaheeda kormeer. Wadamada reer Galbeedka dhamaantood way og yihiin taas. Dhowr iyo toban sano kahor, Israa’iil waxay diiday kormeerkii lagu sameeyay hubkeeda nukliyeer.”
Heshiiskan difaaca ee u dhexeeya Pakistan iyo Sacuudiga ayaa imanaya xilli xiisado xooggan ay ka jiraan gobolka Khaliijka, kaddib weerarro Israa’iil ku qaaday dalal kala duwan, oo ay ku jirto duqeyn dhimasho sababtay oo ka dhacday Doha oo lagu beegsaday madax sare oo ka tirsan Xamaas.
Diblomaasiyiin iyo falanqeeyayaal ayaa heshiiskan u arka fariin toos ah oo loo dirayo Israa’iil, oo muddo dheer loo arkayay dalka kaliya ee gobolka Bariga Dhexe ku leh hub nukliyeer.
Sacuudi Carabiya ayaa muddo dheer laga tuhunsanaa inay si dhaqaale ah u taageertay barnaamijka nukliyeerka Pakistan. Pakistan, oo sameysatay hubkeeda si ay isugu difaacdo Hindiya, ayaa la aaminsan yahay inay hayso ku dhowaad 170 madax nukliyeer ah, taasoo la mid ah tirada warheads ee Hindiya, oo lagu qiyaasay 172, sida uu sheegay Bulletin of Atomic Scientists.
GAROWE ONLINE