Pakistan oo sii dayneysa duuliye Hindi ah oo lagu qabtay xiisada Kashmir

Image

ISLAMABAD, Pakistan - Ra’iisul Wasaaraha dalka Pakistan, Imran Khan ayaa ku dhawaaqay in ay sii daynayaan duuliye u dhashay Hindiya, kaasi oo la qabtay markii lasoo riday diyaaradii uu waday.

"Waxaanu haynaa duuliye Hindi ah. Waanu sii dayn doonaa berri, talaabo qayb ka ah dhaqdhaqaaqa nabada," ayuu Imran ka sheegay kulan wadajir ah oo ay yeesheen Baarlamaanka Pakistan.

Warbaahinta maxaliga ah Hindiya ayaa duuliyaha magaciisa ku sheegtay Abhinandan Varthaman, kaasi oo kasoo muuqday muuqaal ay baahiyeen ciidamada cirka ee Pakistan.

Imran oo ku adkeystay in uu diyaar u yahay wadaxaajood ayaa sheegay in habeenkii Arcadda uu wadahadal khadka telafoonka ah oo guuldareystay uu la yeeshay dhigiisa Hindiya, Narendra Modi.

Xiisada labada dal oo haatan umuuqaneysa mid cirka isku sii shareeraysa ayaa ka dhalatay qarax Hindiya looga dilay 40 askari oo ka dhacay qeybta ay ka maamusho gobolka Kashmir.

Weerarkaasi waxaa sheegtay koox fadhigeedu yahay Pakistan, oo la yiraahdo Jaish-e-Muhammad, balse New Dahli ayaa ku eedaysay Islamabad in ay wax ka og-tahay, inkasta oo ay iska fogeysay.

Tan iyo markii ay soo cusboonaatay xiisada Kashmir waxaa isa soo taraya dalabyada ka imaanaya beesha caalamka oo ku aadan in labada wadan ee ku hubeysan Nuk-liyeerka ah ay xaalada qaboojiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM