Pakistan oo xirtey shaqsiyaad "u gefay" diinta Islaamka

Image
Cayda Diinta Islaamka waa mawduuc xasaasi ka ah Pakistan, waxaana qofkii lagu helo dambigaas uu muteysanayaan dil toogasho.

ISLAMABAD, Pakistan – Booliiska Pakistan ayaa xiray afar nin oo lagu soo eedeeyay inay aflagaadeeyeen Diinta Islamka kadib markii ay kula murmeen ‘imaam’ (wadaad diimeed) in looga dhawaaqi karo aaska qof Kiristaan ​​ah masaajid, sida ay saraakiishu sheegeen.

"Kiisku wuxuu ka dhacay tuulada Khodi Khushal Singh, oo u dhow bariga magaalada Lahore, Noofambar 18," sarkaal ka tirsan booliiska maxalliga ah, Faryad, ayaa sidaas u sheegay Al Jazeera Khamiista.

Wuxuu ku daray: "Nimanka waa la xiray, waxaana horgeynay Maxkamadda". Cayda Diinta Islaamka waa mawduuc xasaasi ka ah Pakistan, waxaana qofkii lagu helo dambigaas uu muteysanayaan dil toogasho.

Raggan oo Muslimiin ah waxay la murmeen wadaad degaanka ah kadib markii uu diiday inuu ku dhawaaqo tacsida nin Masiixi ah oo ka soo baxay masaajidka, sida lagu caddeeyay warbixinta koowaad ee bileyska.

Afarta nin ayaa lagu soo eedeeyay qodobadda 295 iyo 298 ee xeerka ciqaabta Pakistan, kuwaas oo dambiilaha uu ku muteysan karo ilaa laba sano oo xadhig ah.

Ma jiro qof dil toogasho loogu xukumay aflagaado ka dhan ah diinta Islaamka gudaha Pakistan, laakiin waxaa sii kordhaya kiisaska la xiriira shaqsiyaadka ama kooxaha kala caqiiqadda ah ee isku beegsanaya qadiyaddan.

Tan iyo 1990-kii, ugu yaraan 79 qof ayaa lagu dilay rabshadahan oo kale, sida lagu sheegay warbixin ay daabacdey Aljazeera. Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka Pakistan ayaa ku tilmaamay kiiska afarta nin ee lagu eedeeyay "mid aan sal lahayn".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo lagu eedeeyay inuu booqanayo dalal qoyskiisa dano ganacsi ka leh

Bishii hore, wiilka labaad ee Trump, Eric Trump, ayaa dhameystiray heshiis ku kacaya $5.5 bilyan oo lagu dhisayo xarun golf oo casri ah gudaha Qatar.

  • Caalamka

    13-05-2025

  • 05:03AM

Mareykanka iyo Shiinaha oo Heshiis Cusub Ka Gaaray Canshuuraha Ganacsiga

Xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Shiinaha ayaa bilaabatay sanadkii 2018, mudo-xileedkii hore ee Donald Trump.

  • Caalamka

    12-05-2025

  • 07:58AM