Pakistan: weerar lagu qaadey masjid ku yaalla Peshawar

Image

February 14, 2015 (GO)- Ugu yaraan labaatan qof ayaa ku geeriyoodey in ka badan lixdan qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax shalay oo Jimce ahayd ka dhacay masjid ku yaalla magaalada Peshawar ee dalka Pakistan.

Saraakiil u hadlay laamaha ammaanka dalkaas ayaa sheegay in weerarka oo ismiidaamin ahaa ay fuliyeen afar nin oo walxaha qarxa isku soo xirey.

Dadka dhintey iyo kuwa dhaawacmey ayaa dhammaantood ah kuwii masjidka la weeraray ku cibaadeysanayey, waxaana mas'uuliyadda weerarka sheegtay ururka Taliban.

January 31 ayey ahayd markii weerar caynkan oo kale ah lala beegsadey masjid dadka Shiicada ahi leeyihiin oo ku yaalla magaalada Shikarpur ee dhacda koonfurta dalka Pakistan.

Weerarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee noociisa ah laga soo bilaabo bishii December ee sanadkii hore, markaasoo militeriga Pakistan sameeyeen hawlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Taliban.

GAROWE ONLINE + Al Jazeera

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM