Philippines: Gobolka Muslimiintu u badan yihiin ee Bangsamoro oo markii ugu horreysay u codeynaya Baarlamaan

Image

COTABATO CITY, Philippines — Dadka ku nool gobolka ismaamulka Bangsamoro ee koonfurta Philippines ayaa Isniintii u dareeray goobaha codbixinta si ay uga qayb qaataan doorashadii ugu horreysay ee baarlamaan rasmi ah tan iyo markii gobolka la dhisay sanadkii 2019.

Ku dhowaad 2.4 milyan oo cod-bixiyeyaal ah ayaa loo diiwaangeliyay doorashada, taasoo loo arko tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhinaca is-maamulka iyo xasilloonida gobolka Muslimiintu ku badan yihiin, kaasoo muddo tobannaan sano ah la daalaa dhacayay kacdoon iyo rabshado.

Doorashada waxaa lagu tartamayaa 80 kursi oo baarlamaanka Bangsamoro ah, kuwaas oo 40 ka mid ah loo qoondeeyay wakiillo xisbiyo siyaasadeed, 32 kursi ay yihiin wakiillo laga soo dooranayo degmooyin, halka siddeed kursi loo qoondeeyay wakiillo matalaya qaybaha bulshada.

Baarlamaanka cusub ayaa marka uu dhismo dooran doona Ra’iisul Wasaaraha ama Chief Minister-ka Bangsamoro, kaasoo noqon doona madaxa laanta fulinta ee maamulka ismaamulka.

Bangsamoro waxaa la sameeyay kadib heshiis nabadeed oo sanadkii 2014 ay gaareen dowladda Philippines iyo Moro Islamic Liberation Front (MILF), oo muddo dheer hub ugu dagaallamayay ismaamul ballaaran oo ay helaan Muslimiinta koonfurta dalka.

Heshiiskaas ayaa horseeday in dagaalyahanno badan oo MILF ah laga saaro dagaalka, iyadoo kooxda ay ka tanaasushay hadafkii madaxbannaanida buuxda, beddelkeedana ay taageertay nidaam ismaamul oo ballaaran.

Doorashada maanta ayaa sidaas darteed loo arkaa tijaabo muhiim u ah geeddi-socodka nabadda, gaar ahaan dadaallada lagu doonayo in Bangsamoro looga gudbiyo dowladdii ku-meelgaarka ahayd loona wareejiyo maamul si buuxda uga dhashay doorasho dadweyne.

Si kastaba, codbixinta waxaa hareeyay walaac dhinaca amniga ah. Maalin ka hor doorashada, rabshado ka dhacay Cotabato City ayaa lagu dilay saddex qof, halka 15 kalena lagu dhaawacay. Guddiga doorashada ayaa magaalada geliyay xaalad uu si gaar ah ula socdo, iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeyay goobaha codbixinta.

Waxaa sidoo kale la soo sheegay qarax ka dhashay walxaha qarxa oo qofkii watay uu ku dhaawacmay, iyo dhacdooyin kale oo amni oo ka dhacay qaar ka mid ah goobaha doorashada. Guddiga doorashada ayaa sheegay in tallaabooyin dheeraad ah oo amni la qaaday si loo xaqiijiyo in cod-bixiyeyaashu si nabad ah u codeeyaan.

Bangsamoro ayaa ka kooban shan gobol, saddex magaalo iyo 63 deegaan, waxaana ku nool dad ka badan afar milyan iyo bar. Gobolka ayaa weli wajahaya caqabado ay ka mid yihiin khilaafaadka siyaasadeed, colaadaha beelaha iyo hubaysnaanta kooxaha qaarkood.

Doorashadan ayaa sidoo kale imtixaan u ah heshiiskii nabadeed ee 2014 iyo awoodda Bangsamoro ay ugu gudbi karto nidaam siyaasadeed oo dimuqraadi ah. Taageerayaasha ismaamulka ayaa rajeynaya in baarlamaan si toos ah loo soo doortay uu xoojiyo nabadda, horumarka iyo isla xisaabtanka maamulka.

Natiijada doorashada ayaa la filayaa inay go'aamiso qaabka siyaasadeed ee Bangsamoro sannadaha soo socda, iyadoo baarlamaanka cusub uu yeelan doono awoodda uu ku dooranayo madaxa xukuumadda gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Cirka Mareykanka oo 50 saacadood ku badbaaday gudaha Iran

Bravo” iyo duuliyihii diyaaradda, oo loogu yeeray magaca howlgalka “Alpha”, ayaa ka booday diyaaradda kadib markii la haleelay.

  • Caalamka

    14-09-2026

  • 09:01AM

Baxrayn oo diiday shirka Hormuz, Iran oo awooddeeda ku muujinaysa labada marin-biyood

Xaaladdan waxay Iran iyo xulafadeeda siinaysaa awood aan hore loo arag…

  • Caalamka

    12-09-2026

  • 09:36PM