Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Image

MOSCOW - Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa u sheegay mas’uuliyiinta wasaaradda difaaca in ay soo gudbiyaan soo-jeedinno ku saabsan suurtagalnimada dib-u-bilawga tijaabooyinka hubka nukliyeerka, kaddib dhowr maalmood oo uu Madaxweyne Trump si lama filaan ah ku amray wasaaradda gaashaandhigga inay billowdo tijaabooyinkan Nuclear-ka.

Muhiimadda arrintan: Ruushku wuxuu haystaa kaydka ugu weyn ee hubka nukliyeerka adduunka, wuxuuna si kordheysa ugu hanjabay in uu isticmaali doono, iyadoo dagaalkiisa Ukraine uu sii socdo.

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan, Ruushkuna uu ka jawaabi doono. Wuxuu wasiiradda arrimaha dibadda iyo difaaca u diray in ay ururiyaan xog dheeraad ah oo ku saabsan suurtagalnimada bilaabista tijaabooyinka hubka nukliyeerka.

Wasiirka difaaca Andrei Belousov ayaa ku baaqay in dowladdu diyaariso "tijaabooyin nukliyeer oo buuxa si degdeg ah" si looga jawaabo tallaabada Washington, sida uu u turjumay NBC.

Si kastaba ha noqotee, afhayeenka Kremlin, Dmitry Peskov, ayaa CNN u sheegay in Ruushku uu weli ku jiro "baaritaan ku saabsan haddii loo baahdo in la bilaabo diyaarinta" tijaabooyinka, isla markaana uu weli ku xiran yahay "waajibaadkiisa ku saabsan mamnuucida guud ee tijaabooyinka nukliyeerka."

Sawirka guud: Amar lama filaan ah oo uu Trump siiyay Waaxda Difaaca ayaa khubarada amniga qaranka ka yaabiyay, isagoo ku amray in Maraykanku bilaabo "tijaabooyinkeena Hubka Nukliyeerka si siman" iyadoo la barbar dhigo dalalka kale — "si degdeg ah."

Tijaabooyinkan waxa laga filan yahay inay yihiin kuwo nidaamsan, iyadoo aan la fulin qaraxyo, sida uu sheegay xoghayaha tamarta Chris Wright.

Ruushka iyo Shiinaha weli lama soo sheegin inay sameeyeen tijaabooyin noocaas ah, inkasta oo Ruushku dhowaan uu tijaabiyay gantaal nukliyeer cusub oo masaafo dheer leh.

Waxaa xusid mudan in Heshiiska Mamnuucida Tijaabooyinka Nukliyeerka ee 1996 lagu sameeyay dadaal caalami ah oo lagu xakameynayo faafinta hubka nukliyeerka, waxaana tan iyo markaas dalal kooban oo keliya sameeyay tijaabooyin buuxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM