Putin oo ku guuleystay doorashada Ruushka

Image

MOSCOW - Madaxwayne Vladimir Putin ayaa 6 sano oo kale xafiiska sii hayn doona ka dib markii uu si wayn ugu guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Khudbadda guusha oo uu ka jeediyay magaaladda Moscow ayaa waxa uu sheegay in natiijada doorashada uu u arko in ay tahay kalsooni la siiyay waxqabadkiisa.

Madaxwayne Putin ayaa sidoo kale ku baaqay midnimo iyo isku duubnaan. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay guusha uu ka gaaray doorashada madaxtinimda Ruushka, waxaa uuna sheegay in arrintani ay ku timid waxqabadkiisa.

Mar u ka hadlayay isu soo bax balaaran oo lagu qabtay bartamaha cassimada Moscow ayaa madaxwayne Putin waxaa uu sheegay in natiijada doorashada ya ka tarjumeeyso kalsooni iyo ay shacabka ku qabaan.

Madaxwayne Putin ayaa waxba kama jiran ku tilmaamay su'aalaha ku saabsan in uu xilka hayni doono inta cumrigiisa ka dhiman.

Mr Vladimir Putin ayaa dalka Ruushka ka talinayay tan iyo sanadii 1999 oo uu mar ahaa rai'sul wasaare. Madaxwayne Putin ayaa waxaa doorashadan kula loolamaysa 7 musharax oo kale .

Hogaamiyahii Mucaaradka ee ugu cadcaddaa doorashada Alexei Navalny ayaa laga mamnuucay in uu doorashada ka qeybqaato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Sharaa oo cambaareeyay weerarrada Israel ee ka dhanka ah Suuriya

Hadallada Al-Sharaa ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka Suuriya iyo Israel uu weli yahay mid xasaasi ah.

  • Caalamka

    23-09-2026

  • 01:31PM

Pentagon oo miiska saaray qorshe lagu dhimayo ciidamada Mareykanka ee Yurub

Tallaabadaasi waxay saameyn ku yeelan kartaa ciidamo Mareykan ah oo ku kala sugan dalal badan oo NATO ah.

  • Caalamka

    22-09-2026

  • 08:41PM