Qaramada Midoobay oo cambaareysay haweenaw lagu dilay Gaza

Image
Haweeneyda ayaa waxaa toogtay ciidamada Yahuuda xilli ay ka qeybgalaysay banaanbax.

DOOXA, Qadar - Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in baaritaan buuxa lagu sameeyo dilka haweeney u dhalatay Mareykanka iyo Turkiga oo ka dhacday Daanta Galbeed ee dhulka la heysto, xilli ay dibadbax ka socdeen Jimcihii.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in Aysenur Ezgi Eygi, oo 26 jir ah, ay toogteen ciidammada Israa’iil, xilli ay ka qaybqaadanaysay mudaaharaad toddobaadle ah oo lagaga soo horjeedo ballaarinta deegaamaynta Yuhuudda ee magaalada Beita ee u dhow Nablus.

Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in ay "baarayaan wararka sheegaya in qof ajnabi ah uu ku dhintay rasaas ka dhacday aaggaas".

Qoyska Ms Eygi ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay aad uga naxeen oo ay uga murugoodeen in uu meesha ka baxay qofka jecel oo "u u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM