Qarax ka dhacay bannaanka maxkamadda sare ee Qaahira

Image

March 3, 2015 (GO)- Ugu yaraan labo qof oo rayid ahaa ayaa ku dhintey sagaal kalena way ku dhaawacmeen qarax goor dambe oo shalay ahayd ka dhacay bannaanka hore ee maxkamadda sare ee magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Dadka dhaawacmey oo qaarkood xaaladoodu halis tahay waxaa ku jira dhowr askari oo boolis ah.

Booliska ayaa xirey agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana telefishinka dowladda laga baahiyey in kooxaha miino baarku halkaas ka heleen bam kale oo aan weli qarxin.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa ah meel aad u mashquul badan waxaana ku yaalla suuq dadka waratada ahi wax ku iibiyaan, goob basaska laga raaco iyo labo boosteejo oo kuwa tareenada ah.

Mas'uuliyadda weerarka waxaa sheegatay koox isku magacowdey (Kacdoonka Aargudashada). Kooxdaas ayaa kusoo qortey boggeeda Twitter-ka in bartilmaameedka weerarkaasi ahaa bar-kantarool oo ciidamo booliska ka tirsani ku sugnaayeen.

Weerarrada lala beegsanayo xarumaha dowladda ayaa kordhey laga soo bilaabo July 2013, markaasoo militeriga Masar xukunka kala wareegeen Madaxwweynihii la doortey ee Muxammad Mursi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM

Iiraan oo xirtay marin-biyoodka Hormuz, weerarna ku qaadey dalalka Khaliijka 

Iiraan oo sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado ismiidaamin ah ku weerartay Jordan, Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Cumaan.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 11:16AM