​Qarax ka dhacay Istanbul dalka Turkiga

Image

ISTANBUL- Qarax xooggan ayaa ka dhacay dalka Turkiga gaar ahaan magalada Istanbul, waxaana warar hordhac ah oo warsidaha Garowe Online soo gaaraya sheegayaan inay dhinteen ku dhawaad 4 ruux halka dhaawacu gaarayo toboneeye kale.

Qarax ayaa ka dhacay goobta ugu weyn ee ay u dukaamaysi tagaan dalxiisayaasha ku sugan magaalada ee ku taalla wadada Istiklal.

Koox hubeysan ee maleeshiyadda Kurdiyiinta ee TAK ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka.

TAK, oo ka go'day kooxda la mamnuucay ee Kurdiyiinta PKK, ayaa sheegtay in weerarkaasi ay uu ahaa aargoosi ku aaddan howlgallada milateri ee uu Turkigu ka wado deegaanada ku badan yihiin Kuridiyiinta ee koonfur bari dalkaasi.

Sawirro laga soo qaaday magalada Istanbul ayaa muujinaya dad kala cararaya oo walaacsan, halka boolis iyo gawaarida gurmadka u degdegayaan goobta uu qaraxa ka dhacay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Turkiga, balse laamaha amaanka ayaa durba goobta soo gaaray waxayna wadaan baaritaano xooggan.

Axaddii lasoo dhaafay ayaa qarax xooggan oo ka dhacay magalada Ankara, waxaa lagu dilay 37 ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM