Qarax ka dhacay masjid ku yaalla dalka Pakistan

Image

January 31, 2015 (GO)- Ugu yaraan 49 qof ayaa ku geeriyoodey tobanaan kalena way ku dhaawacmeen qarax shalay ka dhacay masjid dadka Shiicada ahi leeyihiin oo ku yaala magaalada Shikarpur ee koonfurta dalka Pakistan.

Qaraxa ayaa dhacay waxyar kahor salaadii Jimcaha, markaasoo boqollaal qof isugu soo urureen gudaha iyo banaanka hore ee masjidka.

Wasiirka Arimaha Gudaha Pakistan Nisar Ali Khan oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in weerarkaasi yahay mid waxashnimo ah oo la doonayo in lagu kala qaybiyo dadka Pakistan, balse aanu waxba u dhimi doonin midnimada iyo wadajirka bulshada.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee lala beegsado masjid dadka Shiicada ahi leeyihiin laga soo bilaabo bishii December ee lasoo dhaafay, markaasoo militeriga Pakistan sameeyeen hawlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Taliban.

Bishan sii dhamaaneysa ee January tobankeedii ayey ahayd markii la qarxiyey masjid ku yaalla magaalada Rawalpindi. Weerarkaas waxaa ku geeriyoodey todoba qof in ka badan labaatan kalena way ku dhaawacmeen.

Mas'uuliyadda weeraradaas cidi ma sheegan, haseyeeshee dowlada Pakistan ayaa ku eedeysey kooxda Taliban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM

Iiraan oo xirtay marin-biyoodka Hormuz, weerarna ku qaadey dalalka Khaliijka 

Iiraan oo sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado ismiidaamin ah ku weerartay Jordan, Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Cumaan.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 11:16AM