Qarax ka dhex-dhacay Jamaacad oo khasaaro dhaliyey

Image

KABUL, Afghanistan – Qarax ka dhex-dhacay Jaamacad ku taala koonfur bari Afghanistan ayaa dhaawacay ugu yaraan 19 Arday, sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta oo xusay in laba kamid ah ay xaaladooda liidato.

Weerarka oo Talaadada maanta ah dhacay ayaa laga soo wariyey mid kamid ah fasalada Jamaacadda Ghazni, oo ku taala duleedka caasimada goboleedka Ghazni, sida uu qiray afhayeenka gobolka.

Sidda laga soo xigtay Arif Noori oo warbaahinta u waramay, 12 kamid ah bukaanadda ayaa waxay yihiin dumar.

Mas'uuliyiinta ayaa tibaaxay in 13-kamid ah dhaawacyadda ay ka baxeen Isbitaalka kadib markii la daaweeyay.

Illaa iyo haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uulkan falkan. Mana cadda sababta dhabta ah ee loo beegsaday Jamaacadda.

Falaagada Taliban ayaa mararka qaarkooda waxay howlgalo ka fulisaa gobolka, iyadda oo beegsata laamaha ammaanka.

Bishii hore, qarax Miino oo la kacday gaari ay leedahay Jamaacaddan ayaa waxaa la xaqiijiyey in uu ku naf-waayey darawalkii.

Noori ayaa tilmaamay in shan arday ay ku dhaawacmeen qaraxaas oo si lamid ah aysan jirin koox sheegatay mas'uuliyadiisa.

Axadii, ugu yaraan tobban ruux ayaa lagu dilay, 27 kale way ku dhaawacmeen markii gaari ay la socdeen askar cusub oo loo qoray ciidanka Afghanistan lagu qarxiyey bariga magaaladda Jalalabad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Norway: Hashim Abdi oo noqday Xildhibaanka ugu da’yar oo Soomaali ah

"Waa arrin aad u waalli ah. Waa sheekada Norway – in wiil ka yimid Trara uu gaaro qolka awoodda."

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 07:14AM

Waa Kuma Khalil al-Hayya: Hoggaamiyaha Xamaas ee Israel rabtay inay ku disho Weerarkii Qatar?

al-Hayya wuxuu awooday in uu si xor ah ugu safro dalalka deriska ah, taasoo u sahashay in uu ka madax bannaano xayiraadda ay Israa’iil saartay Gaza.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 06:27AM