Qatar iyo UAE oo markii u horeysay wadahadalo yeeshay
DOOXA, Qatar – Wufuud rasmi ah oo ka socota Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE) iyo Qatar ayaa ku kulmay magaalada Kuwayt markii ugu horreysay tan iyo heshiis bishii la soo dhaafay lagu soo afjaray khilaaf ba’an oo soo jiitamayay in ka badan saddex sano, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Imaaraatka ee WAM.
Sacuudi Carabiya, Imaaraatka iyo Baxrayn, oo ay weheliso Masar, waxay xiriirka dhaqaale iyo diblomaasiyadeed u jareen Qatar bishii Juun 2017 waxayna ku soo rogeen xayiraad dhul, bad, iyo hawadeed, iyagoo ku eedeeyey sheegashooyin ay kamid yihiin inay taageerto kooxo ay ku sheegeen in ay yihiin "argagixiso".
Qatar ayaa si is-daba-joog ah u beenisay sheegashada waxayna ku adkeysatay in aysan jirin wax qiil ah oo xiriirka loogu jaray.
Horaantii Janaayo, xulafadda xayiraada horkacayey iyo Qatar waxay ku heshiiyeen shirkii lagu qabtay Sacuudi Carabiya ee ururka dalalka Khaliijka si loo soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed, ganacsiga iyo safarka.
WAM ayaa Isniintii daabacdey in Imaaraadka iyo saraakiisha Qatar oo ku kulmay Kuweyt "ay ka wada hadleen qaababka iyo hanaan wadajirka ah ee lagu fulinayo bayaanka shir madaxeedka dalalka Khaliijka ee Al-Ula".
Waxay intaas ku dartay: "Waxay xooga saareen muhiimada ay leedahay in la ilaaliyo ehelnimada Khaliijka iyo in la horumariyo tallaabada wadajirka ah ee Khaliijka iyadoo la daneynayo dalalka GCC iyo muwaadiniintooda, iyo in la gaaro xasillooni iyo barwaaqo gobolka."
"Labada wafdi waxay uga mahadceliyeen Sacuudiga iyo Kuweyt doorkii ay ka qaateen joojinta khilaafka," ayay tiri WAM, iyadoo aan faahfaahin laga bixin cidda ka soo qayb gashay kulanka.
Ma jiro fahfaahin deg deg ah oo kasoo baxay Qatar. Tan iyo heshiiskii bishii hore, xiriirka hawada iyo isu socodka ayaa dib u bilowday inta udhaxeysa Qatar iyo afarta dowladood. Dawlad kasta waxay qabanqaabineysaa wadahadallo laba geesood ah oo lala yeesho Qatar si loo xalliyo arrimaha gaarka ah ee kawada dhaxeeya.
GAROWE ONLINE