QM oo Gargaar Bini'aadanimo gaarsiin waysay bariga Ghouta

Image

SYRIA - Qaramada Midoobey ayaa ka hadashay qaabka gargaarka bini'aadanimo lagu gaarsiin karo dadka ku dhibaataysan bariga Ghouta, ee dalka Suuriya oo dagaallo ay ka socdaan mudo dhowr sano ah.

Sarkaal karirsan QM ayaa sheegay in Kolonyada Gargaarka caalamiga ah aysan gali karin Ghouta, inta xabbad joojintii muddada bisha ahayd ee uu dalbaday golaha ammaanka laga dhaqan-gelinayo.

In kastoo Ruuska uu ku dhawaaqay xabbad joojin muddo shan saacadood ah maalin kasta, haddana ay u suurtageli weyday in gargaar la gaarsiiyo dadka ku go'doomay Ghouta, oo mucaaradku ay haystaan.

Kumanaan qof oo shacab ah ayaa u baahan gargaar iyo dawooyin iyadoo ay wali xiran yihiin wadooyinka gala magaalada oo Ciidamada daacada u ah madaxweyne Bashaar Al Asad ay go'doomiyeen.

In ka badan 500 oo qof ayaa ku dhintay Duqeymaha Ciidamada Suuriya iyo kuwa Ruushka ay ka fuliyeen magaalada Ghouta, iyadoo weerarada qaar loo adeegsaday Sunta Gaaska.

QM ayaa ugu baaqday dowladda Suuriya iyo Mucaaradka inay u hoggaansamaan xabad joojinta ay dalbadeen golaha ammaanka ee QM, si loo badbaadiyo nolosha 400,000 oo rayid ah oo go'doonsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM