QM oo xayiraad kusoo rogtey madaxweynihii hore ee dalka Yemen

Image

November 8, 2014 (GO)- Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa xayiraad dhaqaale iyo mid dhanka safarka ah kusoo rogey madaxweynihii hore ee dalka Yemen iyo labo kamid ah hogaamiyeyaasha sare ee kooxda Xuuthiyiinta.

Guddoomiyaha gudiga Golaha Ammaanka u qaabilsan cuna-qabateynta Yemen haweeneyda lagu magacaabo Ramonda Murmokaite, ayaa sheegtay in 15-ka xubnood ee Goluhu ka kooban yahay isku raaceen in liiska madow lagu daro madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdallah Saalax iyo labo nin oo kamid ah hogaamiyeyaasha sare ee Xuuthiyiinta oo lagu kala magacaabo Cabdulkhaaliq Al-xuuthi iyo Cabdallah Yaxya.

Shalay oo Jimce ahayd kumannaan kamid ah taageereyaasha madaxweynihii hore ee Yemen ayaa isugu soo baxay fagaaraha xoriyadda ee magaalada Sanca, iyagoo dalbanayey in la joojiyo faragelinta shisheeshe ee dalkaas lagu hayo islamarkaana ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah ergeyga Qaramada Midoobey ee Yemen iyo safiirka Marayakanka.

Qaramada Midoobay ayaa horay ugu eedaysay Cali Cabdallah Saalax inuu carqaladeynayo xasiloonida dalka Yemen caqabadna ku yahay hanaanka dimuqraadiga ah ee la doonayo inuu dalkaas ka hirgalo kadib markii isaga kacdoon dadweyne xukunka looga tuuray sanadkii 2012. Saalax waxaa sidoo kale lagu haystaa inuu si dhow ula shaqeeyo islamarkaana taageersan yahay Xuuthiyiinta oo bishii hore dabayaaqadeedi si buuxda ula wareeegey caasimadda dalka yemen ee Sanca.

Talaabadan waxaa si weyn usoo dhoweysey Dowlada Maraykanka oo iyadu todobaad kahor Golaha Ammaanka qorshan usoo gudbisey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM