​QM "Wada hadallada Suuriya ha la bad-baadiyo"

Image

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Suuriya, Staffan De Mistura, ayaa waxa uu ugu baaqay Mareykanka iyo Ruushka in ay bilaabaan hannaan degdeg ah oo heersare ah si loo badbaadiyo wadahadallada nabadda ee Suuriya.

De Mistura oo hadlayay kaddib mar uu xogsiiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa waxa uu sheegay in xabbad joojinta Suuriya ay afka un ka jirto oo ay suuragal tahay in ay burburto xillikasta.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in colaadda la yareeyo, waxa uuna rajaynayaa in wadahadallada Geneva dib loo bilaabi doono bisha May.

Kaddib markii dhowr jeer lagu xadgudbay xabbad joojinta, ayaa mucaaradka Suuriya waxa ay todobaadkii la soo dhaafay isaga baxeen wadahallada, iyagoo sheegay in aanay ku soo laaban doonin ilaa gargaar dheeraad ah looga diray magaalooyinka la go’doomiyay.

Mr De Mistura ayaa sheegay in rabshadaha ka taagan gudaha waddanka Suuriya ay socdeen xilli inta badan wadahadallada ay dhacayeen.

BBC

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM