Qorshe uu "dal kale ku weerarayo Vladamir Putin oo la fashiliyay"

Image
Qorshahan ayaa ah in la adeegsado kooxo tababar ciidan haysta balse shacab iska dhigaya

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dalka Maldova ee ku yaala Bariga Yurub, Maia Sandu, ayaa sheegtay in ay heleen waraaqo sir ah oo muujinaya qorshe xeeldheer oo Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu ku doonayo in uu ku afgembiyo dowladda dimoqoraadiga ee Maldova.

Arrintan oo sidoo kale uu mardhow baarlamaanka Yurub u sheegay madaxweynaha Ukraine Vladamir Zelensky ayay madaxweynaha Maldova sheegtay in ay xogta ka heleen dalal kala duwan.

Qorshahan ayaa ah in la adeegsado kooxo tababar ciidan haysta balse shacab iska dhigaya, kooxo kale oo sirdoon ah, kuwa maxali ah iyo calooshood u shaqaystayaal, sida ay sheegtay Madaxweyne Sandu.

Balse Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaanan wax weyn kasoo qaadin halistan la sheegayo, wuxuuna yiri “Wax sidaas usii weyn oo halis ah ma muuqato”.

Waraaqaha ay dowladda Maldova heshay ayaa la sheegay in ay muujinayaan magacyada dadka bartilmaameedka ah, goobaha lala wareegayo iyo sida loo afgambinayo dowladda. Waxaa kale oo qeyb ka ah in dad badan oo kasoo gudbay dalalka Ruushka iyo Belarus ay galaan dalkani yar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub: Dhammaan Dowladuhu Waa Inay La Shaqeeyaan Maxkamadda ICC

Afhayeenka Guddiga Yurub Anouar El Anouni, oo ka hadlay shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay…

  • Caalamka

    28-07-2026

  • 04:23PM

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM