Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Sébastien Lecornu oo Is Casilay Bil Kadib Markii Loo Magacaabay Xafiiska

Image

PARIS — Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Sébastien Lecornu ayaa is casilay, wax ka yar bil kadib markii uu xafiiska la wareegay, sida uu xaqiijiyey Aqalka Madaxtooyada Faransiiska (Elysee Palace).

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa aqbalay is-casilaadda Lecornu, kaasoo bishii Sebtembar 2025 loo magacaabay xilka si uu u helo taageero xisbiyeed oo dhinacyo badan ah, xilli baarlamaanka Faransiiska uu aad u kala qaybsan yahay.

Lecornu wuxuu noqday ra’iisul wasaarihii afaraad ee Faransiiska muddo hal sano gudaheed ah, kadib markii ra’iisul wasaarihii ka horeeyay laga riday xilka sababo la xiriira khilaafaad culus oo ku saabsan go'aamada dhimista miisaaniyadda.

Hasa yeeshee, kadib markii Macron uu Axaddii ku dhawaaqay golihiisa wasiirada oo inta badan aan waxba laga beddelin, wuxuu la kulmay dhaleecayn ba’an oo ka timid dhammaan garabyada siyaasadeed, taasoo sii adkaysay kalsoonida lagu qabi karo dowladdiisa cusub.

Markii la shaaciyay in dowladda cusub ay tahay mid aan haysan aqlabiyad, mucaaradka garabka bidix ee Golaha Qaranka ayaa bilaabay dadaal ay ku doonayaan inay xilka uga tuuraan Lecornu iyagoo adeegsanaya mooshin kalsooni kala laabasho ah. Sidoo kale, xisbiga midigta fog ee Marine Le Pen ee National Rally ayaa ku baaqaya in la qabto doorashooyin baarlamaan oo degdeg ah.

Xasilooni darrada siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa caqabad ku noqotay dadaallada dowladda Faransiiska ee lagu xallinayo caqabadaha miisaaniyadda dalka, waxayna wiiqday kalsoonida Madaxweyne Macron gudaha dalka, xilli uu wajahayay caqabado caalami ah oo ay ka mid yihiin dagaallada ka socda Ukraine iyo Gaza, iyo isbeddellada siyaasadeed ee Madaxweyne Trump ee Mareykanka.

Khilaafka siyaasadeed ayaa salka ku haya go’aankii uu Macron qaatay bishii Juun 2024, markaasoo uu kala diray Golaha Qaranka ee ah aqalka hoose ee baarlamaanka Faransiiska, isaga oo rajeynayay in doorasho cusub ay xoojin doonto isbahaysiga dhexe ee taageersan Yurub.

Laakiin tallaabadaas waxay ku dambeysay in baarlamaanka la doortay uu noqdo mid aad u kala firdhisan, iyadoo markii ugu horreysay tan iyo aasaaskii jamhuuriyadda shanaad ee Faransiiska aan la helin bloc siyaasadeed oo xukuma si buuxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo markii ugu horreysay yeelatay Ra’iisul Wasaare dumar ah

Takaichi ayaa sidoo kale sheegtay in ay doonayso in ay dib u soo noolayso sumcadda xisbiga LDP.

  • Caalamka

    04-10-2025

  • 12:32PM

Netanyahu oo ka raali-geliyay Qatar weerarkii Doha

Ugu yaraan shan xubnood oo heer hoose ah oo ka tirsan Hamas iyo sarkaal amni oo Qatari ah.

  • Caalamka

    30-09-2025

  • 11:10AM