Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Sébastien Lecornu oo Is Casilay Bil Kadib Markii Loo Magacaabay Xafiiska

Image

PARIS — Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Sébastien Lecornu ayaa is casilay, wax ka yar bil kadib markii uu xafiiska la wareegay, sida uu xaqiijiyey Aqalka Madaxtooyada Faransiiska (Elysee Palace).

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa aqbalay is-casilaadda Lecornu, kaasoo bishii Sebtembar 2025 loo magacaabay xilka si uu u helo taageero xisbiyeed oo dhinacyo badan ah, xilli baarlamaanka Faransiiska uu aad u kala qaybsan yahay.

Lecornu wuxuu noqday ra’iisul wasaarihii afaraad ee Faransiiska muddo hal sano gudaheed ah, kadib markii ra’iisul wasaarihii ka horeeyay laga riday xilka sababo la xiriira khilaafaad culus oo ku saabsan go'aamada dhimista miisaaniyadda.

Hasa yeeshee, kadib markii Macron uu Axaddii ku dhawaaqay golihiisa wasiirada oo inta badan aan waxba laga beddelin, wuxuu la kulmay dhaleecayn ba’an oo ka timid dhammaan garabyada siyaasadeed, taasoo sii adkaysay kalsoonida lagu qabi karo dowladdiisa cusub.

Markii la shaaciyay in dowladda cusub ay tahay mid aan haysan aqlabiyad, mucaaradka garabka bidix ee Golaha Qaranka ayaa bilaabay dadaal ay ku doonayaan inay xilka uga tuuraan Lecornu iyagoo adeegsanaya mooshin kalsooni kala laabasho ah. Sidoo kale, xisbiga midigta fog ee Marine Le Pen ee National Rally ayaa ku baaqaya in la qabto doorashooyin baarlamaan oo degdeg ah.

Xasilooni darrada siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa caqabad ku noqotay dadaallada dowladda Faransiiska ee lagu xallinayo caqabadaha miisaaniyadda dalka, waxayna wiiqday kalsoonida Madaxweyne Macron gudaha dalka, xilli uu wajahayay caqabado caalami ah oo ay ka mid yihiin dagaallada ka socda Ukraine iyo Gaza, iyo isbeddellada siyaasadeed ee Madaxweyne Trump ee Mareykanka.

Khilaafka siyaasadeed ayaa salka ku haya go’aankii uu Macron qaatay bishii Juun 2024, markaasoo uu kala diray Golaha Qaranka ee ah aqalka hoose ee baarlamaanka Faransiiska, isaga oo rajeynayay in doorasho cusub ay xoojin doonto isbahaysiga dhexe ee taageersan Yurub.

Laakiin tallaabadaas waxay ku dambeysay in baarlamaanka la doortay uu noqdo mid aad u kala firdhisan, iyadoo markii ugu horreysay tan iyo aasaaskii jamhuuriyadda shanaad ee Faransiiska aan la helin bloc siyaasadeed oo xukuma si buuxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM