Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka badbaadey xil ka xayuubin

Image
Boris Johnson ayaa 12-ka bilood ee soo aadan ka nasan doona cadaadis kaga yimaada xubnaha xisbigiisa.

LONDON, Britain - Boris Johnson ayaa si dirqi ah uga badbaaday codka kalsoonida ee xildhibaanada xisbiga haya taladda UK ee Tory - balse waxaa soo wajahay kacdoon ka weyn kii Theresa May.

Ilaa 211 xildhibaan ayaa u codeeyay ra'iisul wasaaraha, halka 148 ay diideen - wadarta mudaneyaasha aqlabiyadda haysta waa 63, sida ay sheegtay warbaahinta afka dheer ee Sky News.

Ra'iisul wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa wajihi doonin loolan kale oo hogaamineed muddo 12 bilood ah, marka loo eego shuruucda xisbiga Conservative-ka ee hadda jira - hase ahaatee natiijadu waxay si weyn u wiiqi doontaa hoggaankiisa.

Mr Johnson oo Ra'iisul wasaaraha noqday sanadkii 2019-kii ayaa loo sheegay in loo qaadi doono codka kalsoonida maalinkii Axada mar uu ku sugnaa xafladii loogu dabaal-dagay 70sano guuradii kasoo wareegatay tan iyo markii xilka ay boqoada la wareegtay.

Cadaadiska siyaasadeed ee haysta Boris ayaa kordhay tan iyo markii ay soo baxday warbixin faahfaahinaysa xaflado ka dhacay xafiiskiisa intii lagu guda jiray xayiraadihii ka dhashay Covid-19.

Theresa May ayaa ahayd ra'iisul wasaarihii ugu dambeeyay ee Conservative-ka ee wajaho cod xisbigu u qaado waana ay guuleysatay codka balse waxay iska casishay lix bilood kadib qaabkii ay u maaraysay Brexit.

Mr Johnson waxa uu xilka kala wareegay bishii Luulyo 2019 ka dibna waxa uu ku baaqay doorasho guud oo xisbigiisa ku guulaystay aqlabiyadii ugu waynayd tan iyo markii doorashadii 1987-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo sheegtay in taageerada milatari ee Sacuudiga aysan ku jirin weerar ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen

Al-Sisi ayaa sheegay in Masar ay difaaci doonto dhulka Sacuudiga, balse aysan ka qeyb qaadan doonin weerarro ka dhan ah Yemen.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 11:02AM

Ilhan Omar oo sheegtay inay ka guureyso gurigeeda Washington kadib baaritaanka FBI-da

Sida ay sheegtay, baaritaanku wuxuu socday afar ilaa shan saacadood, waxaana lala baxay 17 shay oo ay ku jiraan taleefanno.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 07:51AM