Ra'iisul Wasaaraha Yahuuda oo maxkamad kasoo muuqdey

Image

TEL AVIV, Israel – Ra'iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa dib ugu laabtay maxkamada wuxuuna iska fogeeyay dambiga lagu soo oogay lana xiriira musuq maasuqa xilli maxkamadeyntiisu ay gelayso waji horleh lix toddobaad ka hor doorashooyinka madaxtooyadda.

Dhageysiga Isniinta maanta ah, oo marar badan dib-loo-dhigay sababo ku aadan xannibaadaha Coronavirus, wuxuu ku bixiyey jawaabtiisa kama dambeysta ah ee la xiriirta eedeymaha ka dhanka ah. Fadhiyadda soo socda waxay diiradda saari doonaan markhaatiga iyo caddaynta.

Netanyahu, oo ah ra'iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Israa'iil ee lagu soo oogo dacwad isaga oo xafiiska jooga, waxaa sanadkii hore loo jeediyey eedeymo la xiriira inuu aqbalay "hadiyado aan habbooneyn kagana yimid ganacsato iyo in uu laaluushay mulkiileyaal warbaahin si aan loo dhaliilin".

71-jirkan ayaa cambaareeyay eedeymaha isagoo ku tilmaamay "been abuur aan sal lahayn" ka hor imaatinkiisii ugu horeeyay ee maxkamad bishii May wuxuuna sheeganayay inuu yahay dhibane la beegsanayo.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in banaanka maxkamadda ay hareeyeen banaanbaxayaal ku qaylinayey hadalo ka dhan ah Netanyahu kuwaas oo ku baaqayay in uu is-casilo ama dambiga uu qirto.

Qareenadda Netanyahu ayaa laga doonayaan in ay ka jawaabaan eedeymaha laaluushka ee seddex kiis oo kala duwan. Dhageysigan wuxuu ku qeexan yahay jadwalka ugu weyn ee maxkamadeynta, taas oo laga yaabo in Netanyahu uu ka soo muuqdo seddex jeer usbuucii.

Jadwalka maxkamadeynta ayaa laga yaabaa inuu ku qasbo Netanyahu inuu ka soo muuqdo maxkamada dhowr jeer Asbuucii, isagoo olole KU JIRA ka hor doorashada Afaraad ee dadka Israel u dareeraan in ka yar labo sano gudahooda la qabto 23-ka Maarso ee sanadkan aynu ku jirno 2021-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Saudi Arabia iyo Kuwait oo Qaaday Xannibaadihii Hakiyay qorshaha Trump ee Hormuz

Labada dal ayaa horay u xaddiday adeegsiga saldhigyadooda si ay uga fogaadaan inay qayb ka noqdaan iska horimaad toos ah.

  • Caalamka

    08-05-2026

  • 07:12AM

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM