Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo ka Jawaabay Hadalladii Trump xilli Howlgallo Socdaalka laga Bilaabayo Minnesota

Image

Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay hadalladii uu Madaxweyne Donald Trump u jeediyey dadka Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, xilli warbixinno ay sheegayaan in hay’adaha socdaalka qorsheynayaan howlgallo ka bilaabmaya gobolka Minnesota.

Trump ayaa sheegay in uusan dooneyn dadka Soomaaliyeed iyadoo uu yiri “ha ku laabtaan halkii ay ka yimaadeen,” isaga oo sidoo kale ku tilmaamay Soomaaliya “dal aan wanaagsanayn”. Hadalladan wuxuu sheegay intii lagu guda jiray kulan golaha wasiirrada, isagoo ku doodday in Mareykanku “jid khaldan u aadi doono” haddii uusan joojin in dadka qashinka ee uu qaxootinimada ku keenayo." 

Warbixinno lagu kalsoon yahay ayaa muujiyey in hay’adda socdaalka loo fasaxay in ay beegsadaan Soomaalida aan haysan dukumeenti sharci ah oo ku sugan Minnesota, gaar ahaan magaalooyinka ay Soomaalidu ku badan tahay. Ilo-wareedyo ayaa sheegay in boqolaal qof ay la kulmi doonaan howlgalka toddobaadkan bilaabanaya.

Mas’uuliyiinta socdaalka ayaa diiday in ay faallo ka bixiyaan howlgalka, balse waxay sheegeen in qof kasta oo si sharci-darro ah ku jooga dalka uu noqon karo bartilmaameed.

Jawaabta Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya

Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in hadallada Trump aysan ku cusubayn dunida, isla markaana uu hore hadallo kale uga sheegay dalal badan.

Xamse ayaa yiri in dalalka uu Trump ka hadlay ay ka mid yihiin Nigeria, South Africa iyo kuwo kale, isla markaana ay ka wanaagsan tahay in aan arrintu muran badan loo rogin.

Hadalkan Ra’isal Wasaaraha ayaa yimid xilli Trump uu sheegay in Soomaaliya aysan lahayn dowlad, dadka ku noolna ay yihiin kuwo is dila oo aan nidaam lahayn, taas oo sii kordhisay hadal-heynta ku saabsan xaaladda Soomaalida Minnesota xilli howlgallada socdaalka ay bilaabanayaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM