Ra'isal Wasaarihii hore ee Uganda oo la xiray

Image

Raiisul wasaarihii hore ee dalka Uganda, Amama Mbabazi ayaa la xiray, waxaana lagu hayaa deegaanka Njeru ee bartamaha dalkaasi.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in loo soo kexeynaayo magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Mr Mbabazi ayaa horey waxaa looga digay inuu qabto isu soo baxyo oo ku muujinaayo rabitaankiisa ku aadan xilka Madaxweynaha Uganda. Lataliyaha gaarka ah ee Mr Mbabazi, ayaa xaqiijiyay xarigiisa.

Madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni ayaa muddo dheer soo hayey talada dalkaas.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM