Rabshado ka dhacay Sweden kadib dhacdo kale oo lagu gubay Quraanka Kariimka ah

Image

MALMO, Sweden - Isku dhacyo ayaa maanta oo Isniin ah ka soo cusboonaaday magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka Sweden, kaasi oo u dhaxeeya askar ka tirsan booliska iyo Muslimiin ka careysan gubashada cusub ee Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.

Iska horimaadka ayaa ka dhacay xaafad ay u badan yihiin dadka soo galootiga ah oo ku taalla magaalada Malmo ee koonfurta Sweden, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Dad careysan oo u badnaa rag dhallinyaro ah ayaa dab qabadsiiyay taayirro iyo burbur. Qaar ka mid ah ayaa la arkayay iyagoo mootooyin ku burburinaya xaafadda “Rosengard”, oo ay horay uga dhaceen iska horimaadyo kan la mid ah.

Booliiska Sweden ayaa sheegay in dhagxaan lagu tuuray, halka dibadbaxayaasha ay xalay gubeen tobaneeyo baabuur. Dibad-baxayaashu waxay kor u qaadeen dhowr boorar oo ay ku cambaaraynayaan gubitaanka Qur’aanka kariimka ah.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay maanta xireen ugu yaraan 3 qof, halka Shalay ay xireen 15.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM