​Rabshado ka qarxay magaalada Charlotte

Image

Hal qof ayaa goor dambe oo arbacadii ahayd lagu toogtay magaalada Charlotte ee gobolka North Carolina ee dalka Mareykanka, ayada oo dad badan ay ka dibad baxayaan dilka nin African-American ahaa oo booliiska ay toogteen.

Ninka la toogtay oo maamulka magaalada ay mar sheegeen inuu geeriyooday, ayaa goor dambe lasoo weriyey inuu weli nool yahay balse ku sugan yahay xaalad liidata.

Booliisku waxey sheegeen in ninkaas uu toogtay qof kale oo rayid ah oo aysan ayaga ku lug lahayn.

Guddoomiyaha gobolka North Carolina ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogay magaalada Charlotte, waxaana magaalada la geeyey ciidamada ilaalada qaranka.

Saacadihii hore ee xalay ayaa waxaa magaalada ka socday banaanbaxyo nabadeed, hase yeeshee waxay kadib isku rogeen rabshado ayada oo ay isku dhaceen dibadbaxayaasha iyo booliska.

Saraakiisha ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay si ay u kala ceyriyaan dibadbaxayaasha.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa jebiyey daaqadaha goobo ganacsi, halka ay sidoo kale dab ku shideen waddooyinka.

Habeenkii talaadada ayaa sidoo kale banaanbaxyo dhacay waxaa lagu dhaawacay 24 qof oo ay ku jiraan 12 sarkaal oo booliis ah.

VOA

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM