Rag bas ku dhex-kufsadey gabar ardayad ahayd oo la daldalay

Image

NEW DELHI, India — Afar nin oo dil iyo kufsi ugu geystay gabar ardayad ah gudaha bas magaaladda Dehli sanadkii 2012-kii ayaa lagu fuliyey daldalaad.

Akshay Thakur, Vinay Sharma, Pawan Gupta iyo Mukesh Singh waxaa dil toogasho lagu xukumay sanadka markii uu ahaa 2013-kii.

Xabsiga aadka loo ilaaliyo ee Tihar ayaa lagu daldalay xalay. Fulinta xukunka dilka toogashada waa kii ugu horeeyay tan iyo 2015-kii.

Gabadha la faraxmeeyay ayaa maalmo kadib u dhimatay xadgudubka lixda rag, oo midkood uu isku dhex-dilay xabsiga, halka kan lasii daayey.

Eedeysanaha lasii daayey oo 17-sano jir ahaa ayaa wuxuu xabsiga ku qaatay muddo saddex sano ah, sidda ay ku warantay saxaafadda.

Gaboodfalka loo geystay gabadhaas ayaa banaanbaxyo xoogan ka dhaliyey qaybo kamid ah Hindiya, taas oo cadaadiska ku kordhisay dowlada.

Narendra Modi, ra'iisul wasaaraha India oo sheegay in cadaalada ay fushay, ayaa ku adkeystay in la ciqaabi doono ragga caadeystay kufsiga.

Hindiya ayaa kamid ah wadamadda caalamka oo ay adag tahay in haweenku ku noolaadan. 2018-kii, waxaa la diiwaan-geliyey in ka badan 33-kun kiis oo kufsi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo sheegay in Israa’iil dhisi doonto isbahaysi ka hortaga “xulafada Suniga iyo Shiicada”

Dhanka kale, Modi ayaa sheegay inuu si buuxda ugu raacsan yahay Netanyahu xoojinta xiriirka ka dhexeeya Hindiya iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    22-02-2026

  • 08:04PM

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM