​Ra'iisul Wasaaraha Japan oo booqasho ku tagey dalka Philippine

Image

Ra'iisul Wasaaraha dowladda Japan Shinzo Abe ayaa booqasho rasmi ah waxa uu ku tagay wadanka Philippine, si uu u xoojiyo xiriirka kala dhaxeeya dalkaasi.

Booqashada Shinzo Abe ee dalkaasi Philippine ayaa qaadan doonto mudo labo maalmood ah, waxaana inta uu joogo la kulmi doonaan Madax sare.

Waa booqashadii ugu horeysay oo hogaamiye ka socdo caalamka ku tago dalka Philippine tan iyo markii awooda uu la wareegay sanadkii tagay Madaxweyne Rodrigo Duterte.

Labada hogaamiye ayaa waxay ku kulmayeen madaxtooyada magaalada Manile, iyagoo kulankooda diiran ku saari doono xoojinta xiriirka labada dowladood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM