Recep Erdogan oo "laba wajiilanimo" ku eedeeyay reer galbeedka

Image
Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in dalalkan aysan daacad ka ahayn difaacida xorriyadda hadalka.

ANKARA, Turkey - Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Arbacadii ku eedeeyay reer galbeedka inay qaateen "halbeeg laba wajiilanimo ah" marka ay timaado xorriyadda saxaafadda.

Isagoo ka hadlayay xafladdii 7-aad ee Abaalmarinta Warbaahinta Anatolian oo ka dhacday caasimadda Ankara, Erdogan wuxuu yiri: “Kuwa Turkiga ku eedeynaya faafreeb ayaa aamusin faafreeb dhab ah ka sameynaya (Twitter)".

"Waxaan marqaati ka nahay isku mid labanlaab ah habka ay u socoto shirkad baraha bulshada ah, oo dhawaan lala wareegay," ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayay Twitter-ka oo dhawaan la sii daayay faylalkeeda gudaha.

Waxa uu intaa ku daray: “Cid ay madal-bulshadan oo loo malaynayo in aanay xornimada iyo xog-ururinta shakhsi ahaan marnaba u tanaasulayn, ay ku ganacsato, waxa ay u adeegto daaha gadaashiisa, iyo sida ay dadka faafreeb u siiso iyo fikradaha aanay jeclayn mid mid ayaa loo soo bandhigaa".

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay in hay’adaha warbaahinta caalamiga ah iyo hay’adaha xuquuqul insaankaba ay ka aamusan yihiin fadeexado noocan oo kale ah.

"Kuwa qabsaday xuquuqda isgaarsiinta balaayiin dad ah waxay sii wadaan inay ka hadlaan dimuqraadiyadda iyo xorriyadda sidii iyagoo aan waxba dhicin," ayuu yidhi.

Dhowaan ayay ahayd markii lasoo bandhigay dukumiintiyo muujinaya in dowladda Mareykanka ay si ba'an ugu adeegsatay Twitter-ka in ay ku caburiso dadka aaminsan fikradaha ka aragtida maamulka Biden.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 3 askari Mareykan ah oo ku dhintay howlgal ka dhan ah Iran – CENTCOM

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in shan askari oo kale ay soo…

  • Caalamka

    01-03-2026

  • 04:30PM

Imaaraadka oo ka digay tallaabo adag haddii weerarrada Iran sii socdaan

Markii la weydiiyay suurtagalnimada tallaabo militari, ayay sheegtay in arrintaas ay weli furan tahay.

  • Caalamka

    01-03-2026

  • 12:12PM