​Riek Machar oo dalkiisa ku laabtay

Image

Kadib hishiis beesha caalamku garwadeen ka ahayd oo dhexmaray hogaamiyaha Suudaanta Koonfureed iyo ninka mucaaradka ah ee Riek Machar dalka Ethiopia, ayaa sahlay in la fuliyo qodob kamid ah is-afgaradka labada dhinac.

Hogaamiyaha mucaaradka, ayaa dalkiisa kusoo laabtay si uu ula wareego jagada cusub ee ah madaxweyne ku xigeenka, isagoo hadda ku sugan xarunta mucaaradka ay ku leeyihiin bariga South Suda ee Gambella oo dhacda xadka Ethiopia.

"Hogaamiyuhu wuu laabtay, waxaana la filayaa inuu asbuuca soo socda tago magaalada caasumadda ah ee Jubba si uu ula wareego xilka cusub,"Sidaasi waxaa sheegay saraakiil magaalo madaxda ku sugan.

Maalinta Isniinta ayaa la filayaa inuu gaaro Jubba inkastoo ay jiraan is-aaminaad la'aan labada hogaamiye ka dhex jirta, waxaana todobaadkii lasoo dhaafay caasumadda waddankaasi la geeyay 1300 oo ah xooggaga mucaaradka, taasoo qeyb ka ah qodobada heshiiska.

Askartaasi ayaa la filayaa in ay sugaan ammaanka Mr Machar, ka dib markii uu sidaa codsaday.

Khilaafka u dhexeeya Mr Machar iyo madaxweyne Salva Kiir ayaa sababay in bishii December ee 2013 uu dalkaasi ka bilowdo dagaal sokeeye, kaasoo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, ayna ku barakaceen in ka badan laba milyan oo qof.

Beesha Caalamka ayaa xoogga saartay sidii ay labada dhinac u meelmarin lahaayeen heshiiskii ay gaareen bishii August ee lasoo dhaafay.

Waxaa dhowr jeer ooh ore burburay heshiis ay labada dhinac gaareen, sidaa awgeed waxaa la fili karaa in is-aaminaad la’aan ay ka dhex taagnaato dowladda cusub.

Balse shacabka dalkaasi oo ka daalay colaadda ayaa rajeynayaa in dowladda KMG ah ay si wanaagsan u shaqeyso.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM