Ruushka oo badalaya xeeladiisa dagaal ee colaadda Ukraine

Image
Sirdoonka NATO ayaa sheegay in ay heleen xogo la xiriira in Ruushka uu diyaarado badan isugu keenayo xuduuda.

MOSCOW, Russia - Dagaalka Ukraine ayaa sii jiitamaya, waxaana uu galayaa wejiyo hor leh xilli la isku mari la’yahay furumaha dagaalka, ciidankii Ruushka ee awoodda badnaana lagu soo waramayo in ay dhaqaajin la’yihiin ciidamada Ukraine ee hubka casriga ah haysta, reer Galbeedkana taageero weyn ka haysta.

Hadda Ruushka waxa uu qorsheynayaa in qorshaha dagaalka uu u badelo dhanka cirka, iyada oo sirdoonka NATO ay sheegayaan in ay heleen xogo la xiriira in Ruushka uu diyaarado badan isugu keenayo xuduuda, taas oo ka dhigan in uu qorsheynayo duqeymo laxaad leh oo uu ka geysto gudaha Ukraine.

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin oo ka hadlayay xarunta NATO ee Biljimka ayaa sheegay in difaaca cirka iyo awoodda cirka ee Ukraine ay tahay mid aad u liidata, oo aanan u barbardhigi karin duqeymaha Ruushka ee soo wajahan.

Gaashaanbuurta NATO oo ka fikireysa difaac mideysan ayaa waxay isku dayaysaa in Ukraine ay siiso awooddii ay isaga difaaci lahayd duqeymaha caynkan ah.

Tani ayaa ka dhignaan karta in reer Galbeedka ay Ukraine siin karaan diyaaradaha dagaalka oo casri ah, kuwaas oo si sugnaan ah u haleela bartilmaameedyada la doonayo.

Si kastaba ha ahaatee, ma muuqato wax waanwaan ah iyo in dagaalka joogsanayo, iyada oo xukuumadda Moscow ay markani NATO ku eedeynayso in ay sii cadaysanayso cadaawadda ay u hayso Ruushka.

Ukraine ayaa iyada dib u cusboonaysiisay dalabkeedii ahaa in la siiyo diyaaradaha dagaalka, iyada oo booqashadii uu dhowaanta madaxweyne Zelenky ku maray dhawr caasimadood oo reer Yurub uu dowladahan kala hadlay dalabkiisa kaalmada ciidan hase ahaatee illaa hada wali uusan helin fulin iyo agabkii uu codsadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM