"Daaha birta ah" ee Russia diidey in galbeedka ku go'doomiyo
TEHRAN, Iran - Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Hossein Amirabdollahian, ayaa sheegay in go'aanka Ruushka ee duulaanka Ukraine uu salka ku hayo "tallaabooyin daandaansi ah" oo ay qaaday NATO.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu intaa ku daray in Tehran aysan "u arag in dagaalku xal yahay" wuxuuna ku baaqay qoraal uu soo dhigay Twitter-ka "xal siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed" ee xiisadda.
Amirabdollahian ayaa sidoo kale xusay inuu taleefoon kula xiriiray mas’uuliyiinta safaaradda Iran ee Kyiv si uu ugala hadlo sidii ay isaga kaashan lahaayeen daadgureynta muwaadiniinta Iran ee Ukraine.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda, Saeed Khatibzadeh, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Tehran ay ka shaqaynayso sidii loo sugi lahaa duulimaad lagu daadgureynayo muwaadiniinta wuxuuna ugu baaqay inay ka fogaadaan “goobaha qalalaasaha”.
Kremlin-ka ayaa sheegay in Ruushka aan lagu xiri karin daah bir ah gadaashiisa, "wuxuuna u baahan yahay in Ukraine ay noqoto dal dhexdhexaad ah oo aan la geynin hub weerar ah".
Ruushka ayaa ku doodaya in reer Galbeedka ay doonayaan Yukreen ay ku daraan NATO taasoo "halis ku ah" amnigiisa. Balse, Kyiv waxay ku andacooneysaa in ay u madax-banaan tahay go'aanadeeda masiiriga ah. Qodobkan waa mid kamid ah sababaha kiciyey dagaalka.
Geesta kale, Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa Twitter-ka ku soo qoray in ciidamada Ruushka ay isku dayayaan inay la wareegaan maamulka warshada Nukliyeerka ee Chernobyl.
"Ciidanka Gumeysiga Ruushka ayaa isku dayaya in ay la wareegaan Chernobyl [Warshada Korantada Nukliyeerka]. Difaacayaasheena waxa ay naftooda u hurayaan si aysan u soo laaban masiibadii 1986," ayuu Zelensky ku soo qoray Twitter. "Tani waa ku dhawaaqid dagaal ka dhan ah Yurub oo dhan," ayuu raaciyay.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa ka dhawaajisay digniintii Zelensky, iyada oo barteeda Twitter-ka ku soo qortay in weerarka Ruushka ee Ukraine uu "sababi karo masiibo deegaan oo kale."
"Sannadkii 1986-kii, dunidu waxay aragtay masiibadii ugu weyneyd ee tignoolajiyadeed ee Chernobyl," ayay wasaaraddu ku soo qortay barteeda twitter-ka. "Haddii Ruushku sii wado dagaalka, Chernobyl waxay mar kale dhici kartaa 2022."
Dhanka kale, dhammaan ilaa 1,500 oo ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Ukraine ayaa badqaba, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay.
"Waxaanu raraynaynaa qaar ka mid ah shaqaalaha waxaanan farnay shaqaalaha inay qaataan taxadarka lagama maarmaanka ah," Stephane Dujarric, afhayeenka xoghayaha guud, ayaa yiri Khamiista.
Koox asaasi ah oo ka mid ah shaqaalaha hadafka muhiimka ah ayaa wali ka shaqaynaya, sida laga soo xigtay afhayeenka oo intaas ku daray in ay joogaan "meelaha ku xeeran khadka xidhiidhka".
GAROWE ONLINE